Muxuu Madaxweynaha Somaliland Kala Hadlay Agaasimeyaasha Wasaaradaha Dalka?

0
1300

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu maanta kulan ballaadhan qasriga Madaxtooyada kula qaatay Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha  ee dalka.

Kulankan, madaxweyne Muuse Biixi la qaatay Agaasimeyaasha guud ee dalka, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Khaalid Jaamac Qodax.

Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd is xog-waraysi la xidhiidha hawlaha baaxadda leh ee ay Agaasimeyaashu Qaranka u hayaan iyo sii dardargelinta shaqooyinka agaasimeyaasha guud.

Waxaana kulanka diiradda lagu saaray sidii loo sii laban-laabi lahaa hawlaha muhiimka ah ee ay agaasimeyaasha guud qaranka iyo bulshadaba u hayaan.

Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaa uu agaasimeyaasha guud ku bogaadiyey hawlaha muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan iyo sida ay u yihiin mishiinka dhaqaajiya dhammaanba hawlaha ka dhex socda hay’adaha ay masuuliyiintani ka socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here