Mucaaradka Maamulka Puntland oo Digniin Kama Dambeys Ah Siiyay Siciid Deni

0
1124

Garoowe (Hargeisa Press)- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, ayaa wajahaya culeyskii ugu xoogganaa ee siyaasadeed, iyada oo mucaaradka maamulkaasi ay u direen digniin kama dambeys ah.

Laba xisbi oo ka mid ah kuwa siyaasadeed ee maamulka Puntland, ayaa markale Siciid Deni uga digay meel-marinta qorshaha uu ku adkeysanayo ee lagu sheegay doorasho qof iyo cod ah.

Hoggaamiyeyaasha labada xisbi siyaasadeed ee maamulka Puntland, Ifiye iyo Sincad, ayaa waxaa ay shaaciyeen in ay qaadayaan tallaabo kasta oo lagaga hortagi karo damaca madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni.

“In ayna suurta-gal ahayn doorasho madaxweyne iyo ku-xigeen taasi oo ay shacabka toos u soo dooranayaan xilligan kala guurka ah. Waa in la qabto doorasho ku dhacda wakhtigeeda.”

Waxaa kale oo lagu yidhi bayaanka, “Waa in doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ay u dhacdo si baarlamaani ah oo Xildhibaannada la soo doortey ay doortaan madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.”

Sidoo kale, xisbiyadan ayaa waxaa ay soo jeediyeen in musharraxiinta aan ku jirin xisbiyadda siyaasadeed ee maamulkaasi loo ogolaado inay si madax-bannaan uga qeyb-galaan doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenka.

“Annaga oo ka duuleyna hirgelinta doorasho loo dhan yahay waa in fursad loo siiyo musharraxiinta aan kamid ahayn xisbiyada hadda jira, waana in loo ogolaado inay si madax-banaan uga qeyb qaadan karaan doorashada madaxtinimada,” ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay xisbiyadan.

Labadan xisbi oo muddooyinkii dambe lagu tirinayay dhinaca Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni, oo isagu dhawaan kulan la qaatay, ayaa waxaa muuqaneysa in ay hadda soo mareen dhanka mucaaradka, kadib shirkii lagu middeeyay siyaasiyiinta mucaaradka ee dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe.

Farriimaha iyo hanjabaadaha xilligan ka soo baxaya mucaaradka maamul goboleedka Puntland iyo tallaabooyinka ay qaadeyso madaxtooyada maamulkaasi, ayaa uga sii daraya xaaladda cakiran ee ka taagan maamulka Puntland.

Hasse yeeshee, waxaa laga cabsi qabaa in mar kale gacan ka hadal isku rogto xiisadda ka taagan maamul goboleedka Puntland ee ka dhalatay doorashooyinka maamulkaas, oo u dhaxeeya mucaaradka iyo maamulka uu hoggaamiySiciid Deni, sidii kal hore ka dhacday magaalada Garoowe ee maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here