Baanka Horumarinta Afrika oo Somaliland Ka Caawinaya Dhismaha Waddooyinka

0
2528

Nairobi (Hargeisa Press)- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Somaliland Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa kulan kula qaatay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, masuuliyiinta sarre ee Baanka Horumarinta Africa (African Development Bank).

Kulankan oo uu qayb ka ahaa Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Wadooyinka Somaliland Mowliid Nuux Ibraahim, ayaa waxaa lagaga wadahadlay sidii loo bilaabi lahaa dhismaha Waddada Lowyo-cado Fardaha ilaa Borama, iyo bilowga Daraasadda Wadada Hargeysa, Oodweyne ilaa Burco.

Weftiga oo mudooyinkii u danbeeyay safar shaqo ku joogay dalka Kenya, ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaadanayeen masuuliyiinta ugu sareeya Baanka horumarinta Afrika, kaasi oo Somaliland ka caawinaya dhismayaasha jidadka Boorama ilaa Lawyacado iyo samaynta daraasada jidka Hargrysa ilaa Oodwayne.

Dhismayaasha jidadkan, ayaa ah kuwo uu dalku baahi wayn u qabo in la dhiso, sababta oo ah waxa ay muhiim u yihiin isku xidhka gobolada dalka iyo sidoo kale dalalka ay Somaliland dariska la tahay sida Jabuuti oo kale, kaasi oo xidhiidh dhaqaale iyo mid gacansiba uu kala dhexeeyo.

Gabogabadii Jidka Boorama, Fardaha ilaa Lawyacado, ayaa ah mid ay dhammaatay daraasadii lagu hagayay jidka intiisii badnayd balse ay u hadhsan tahay in la dhiso oo kaliya.

Weftiga xukuumadda Somaliland iyo masuuliyiinta Baanka horumarinta Afrika, ayaa go’aan ku gaadhay in dhismaha jidkaasi muhiimka ah la bilaabo inta sanadkan ka hadhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here