Muxuu Ku Saabsan Yahay Khilaafka Arrimaha Doorashada Ee U Dhexeeya Xukuumadda Somaliland iyo mucaaradka?

0
639

Hargeisa (Hargeisa Press)- Waxaa sii xoogeysanaya ismari waa siyaasadeed oo salka ku haya guddiga doorashada kaasoo u dhaxeeya xisbiga talada haya Somaliland ee Kulmiye iyo xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa sheegay inuu ka baxay heshiiskii laga gaadhay khilaafkii doorashada iyo kordhinta tirada guddiga doorashooyinka Somaliland, ka dib markii, sida ay mas’uuliyiinta xisbigaasisheegeen, uu Kulmiye “si badheedh ah u xagal daaciyay meel marinta heshiiskaasi,” oo ay ahayd inay ka doodaan golaha Wakiilladu, taasina aanay dhicin.

Hase yeeshee, siyaasiyiinta hoggaamiya xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa beeniyay eedeynta loo jeediyay, iyagoo sheegay in arintaas ay leedahay waji ka duwan mida ay mucaaradku u yeelayaan.

Muxuu qoonsaday xisbiga Mucaaradka ee Waddani?

Hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sharaxay go’aanka ay qaateen. “Maadaama ay xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisu jabiyeen heshiiskii ay sadexda xisbi wada galeen ee lagu horgeynayay golaha Baarlamaanka in la kordhiyo xubnaha gudiga doorashada, kuwaas oo todoba ahaa, si looga dhigo sagaal, anaguna sidaas awgeed mar hadiiba ay iyagu burburiyeen dhankayagana waan ka baxnay hehsiiskaas”.

Wuxuu sheegay in xisbiga talada haya ay ka gaabiyeen wada shaqeynta la xidhiidhay in golaha Wakiillada laga ansixiyo heshiiskaas. “Kulmiye waxaanu ka weynay gacantii wadashaqeyneed ee uu heshiisku qorayay, guddoomiyahayaga Cabdiraxmaan Cirro ayaa Madaxweyneku xigeenka ugu tagay guriga, wuxuuna weydiiyay arintaas, ilaa iyo hadana ma aanaan ka helin wadashaqeyn”.

Xubnaha xisbiga Kulmiye ee ku jira Baarlamaanka ayaa lagu dhaliilay inayhor istaageen Mooshinkii ay Xisbiyada soo saxeexeen, inkastoo ay eedeyntaas ku tilmaameen mid aan “sal iyo raad toona lahayn”.

Maxay eedeyntan ka yidhaahdeen xisbiga talada haya ee Kulmiye?

Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Cige, oo ah guddoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha gudaha iyo nabad galyada ee Golaha Wakiillada, kana tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa beeniyay eedeynta uga timid dhinaca Mucaaradka.

“Waxaa la yidhi ‘si xun u sheeg sixir ka daran’, illaa maanta ma jiro wax ay sadexda xisbi ku heshiiyeen oo golaha la keenay, mooshinka golaha la keenaywuxuu ahaa mid uu wato xisbiga Waddani, xildhibaanada Waddani xaq bay u leeyihiin inay mooshin keenaan, ka dib wuxuu maray sifihii sharciga ahaa”.

Dhanka kale wuxuu sheegay inaan iyaga xisbi ahaan fursad loo siinin wadashaqeynta ku saabsan diyaarinta Mooshinka. “Anagu wax aan saxeexnaba maanaan arkin, kaliya waxaan aragnay mooshin uu kulmiye wato oo golaha dhex ordaya, sidaas darteed maba jirin wax ay xisbayadu isla dhiseen oo la keenay golaha”.

Mas’uuliyiinta xisbiga mucaaradka ee Waddani ayaa sheegay inay wali diyaar u yihiin xal, ayna ka war sugayaan go’aanka Madaxweynaha, ahna hoggaamiyaha xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi.

 

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here