CONIFA Oo Sheegtay Inaan Somaliland Lagu Qaban Doonin Tartanka Kubadda Cagta oo Caalami Ah

0
501

Siwel (Hargeisa Press) – Ururka kubadda cagta CONIFA ee waddamada aan la aqoonsan ayaa shaaciyay in aanay Somaliland ku qaban doonin ciyaaraha sannadka 2020 oo markii hore qorshuhu ahaa in Somaliland martigaliso Tartankaasi.

CONIFA, ayaa tallaabadan ku sababaysay arrimo farsamo iyo weliba arrimo la xidhiidha martigelinta, sida lagu sheegay qoraal ay soo dhigeen website-kooda oo u dhignaa sidan:

“Way ka xuntahay CONIFA in ay ku dhawaaqdo in ciyaaraha adduunka CONIFA ee 2020 aan lagu qaban doonin Somaliland.

Tan waxa sababay arrimo farsamo iyo arrimo la xidhiidha marti gelinta tartanka.Baadhitaan baa hadda socda sidii loo heli lahaa beddelkii martigelinta”

Xeel-dheerayaal ka socda CONIFA ayaa hore u yimi Somaliland si ay qiimayn ugu sameeyaan in Somaliland awood u leedahay martigelinta tartankaasi.

 

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here