Kal-fadhiga 4aad Ee Golaha Xildhibaannada Dawlad Deegaanka Soomaalida oo Jigjiga Ka Furmay

0
520

Jigjiga (Hargeisa Press)- Waxaa maanta magaalada Jigjiga ka furmay Kal-fadhigii 4aad ee Golaha Xildhibaannada Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Kal-fadhigan ayaa waxaa kasoo qayb galay Xildhibaanada DDS.

Kal-fadhigan oo uu furay Afhayeenka Golaha Xildhibaannada Cabdi Maxamed ayaa waxaa xildhibaannada loo qaybiyay ajandayaasha kal-fadhigan oo ahaa laba Bayaan kuwaas oo kala ah Ka doodista iyo ka wada hadalka bayaanka dib loo habeeyay ee bayaaminta qaab dhismeedka Awoodaha iyo Waajibaadka Xafiisyada fulinta. iyo bayaanka dib loogu Aas-aasayo Maxkamadda Shareecada Islaamka ee DDS.

Intaa kaddib waxaa la go’aamiyay in maalinimada barri la isku soo noqdo iyadoo Xildhibaannadu ay kasoo fikiri doonaan ajandayaasha Kal-fadhigan.

Ammaanka magaalada Jigjiga ayaa intii uu Kal-fadhigu socday aad loo adkeeyay, iyadoo goobta uu Kal-fadhigu ka socday Ciidan tiro badan oo Booliska gaarka ah ee DDS lagu soo daadiyay.

 

HargeisaPress News Desk – Jigjiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here