Muuse Biixi Murshaxa Jagada Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen Saylici Waxey Heleen Codadkii Aqlabiyada Kulmiye Hambalyo” Maxamed-Maarshaal

0
6261

Hargeysa, (HargeisaPress) — Siyaasiga da,da Yare ee Maxamed Cabdikariim Cumar(Maxamed-Maarshaal),oo kamid ah dhalinyarada damacu kaga jiro loolanka Golaha Wakiilada doorashooyinka soo socda ayaa dhambaal Hambalyo u hibeeyay Murshaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,iyo Murshaxa Jagada Madaxweyne Kuxigeen Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),isagoo ku hambalyeeyay Guusha ay ka gaadheen isagoo Xusey in ay ku guuleysteen ciodad Aqlabiyad ah.

 

“Muuse Biixi Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Kulmiye iyo Kuxigeenka Madaxweyne Cabdiraxmaan-Saylici waan u hamblayeynayaa waxey heleen codadkii Aqlabiyada Kulmiye Ugu horayn waxaan hambalayo  Iyo bogaadin u dirayaa, Musharaxa Madaxwayne ee xisbiga kulmiye, mudane Muuse Biixi Cabdi, oo ah siyaasi rug cadaa ah, oo guushan maanta ah u soo maray dariiq dheer oo ah samir, dulqaad iyo isdhul dhigid,  Iyo Ku xigeenkiisa Cabdiraxaman Saylici, waxa sharaf noo ah, qarankana sharaf u ah in maanta xisbigii iyo gollahi  dhexeba, idiin garteen inaad noqotaan musharixiinta xisbiga kulmiye, doorashada 2017ka, Waxay farxad u tahay , taageerayaasha muga iyo miisaanka leh ee xisbiga kulmiye, oo farxad, rayrayn iyo qalbi wanaagsan ku gudoonsaday, guushaa taariikhiga ah ee xisbigu gaadhay.

 

Waxaan marlabaad hambalyo  u dirayaa Madaxwayne Axamed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo dhigay rikoodh cusub, isagoo ka tanaasulay damacii musharaxnimo ee doorashada soo socota, iyadoo aynu ognahay in madaxda afrikaanka ahi laga kicin kari laaya’ay kursida,halka isagoo xaq u leh marlabaad inuu tartamo, gartay inuu uga tanaasulo saaxiibadii ay halganka dheer ee siyasadeed, taariikheed iyo nololeedba ay wadaagayeen.

 

Waxay cashar u noqon doontaa, wadamo badan inay inagaga daydaan, in damaca kursiga aynu ka tix galino qaranimada wada jirka, walaalnimada iyo ilaalinta dimuquraadiyada curdinka ah ee Somaliland.

Dhacdadani waa dhacdo taariikhi ah , oo noqon doonta mid guul balaadhan u horseeda qarankeena jamhuriyada Somaliland.

 

Siyaasi Maxamed Maarshaal

mmaarshaal@hotmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here