Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Soo Dhawayntii Ugu Ballaadhanayd Abid Loogu Sameeyay Magaalada Laascaanood + SAWIRRO

0
1223
Murrashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Inj Faysal Cali Waraabe

Laascaanood , (HargeisaPress) — Murrashaxiinta Jagada Madaxweynaha iyo Ku Xigeenka ee Xisbiga UCID, ayaa maalintii shanaad ee olalaha si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Gobolka Sool, isla markaana fagaaraha Laascaanood kala hadlay taageerayaasha UCID oo tiro badan oo isugu soo baxay, iyagoo sita calanka xisbigaasi iyo sawirada Murrashaxiinta u tartami doona doorashada Madaxtooyada ee 13ka Noofambar 2017.

Murrashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Inj Faysal Cali Waraabe iyo Wefti Miisaan leh oo uu ka mid yahay Murrashaxa Madaxweyne Ee Ku Xigeen Ee UCID Prof Axmed Cabdi Muuse Abyan ayaa soo dhaweyntii abid ugu ballaadhnayd loogu sameeyay Xarunta Gobolka Sool Ee Laascaanood.

Waxaana Fagaaraha khayriyada Magaalada Laascaanood hadalo soo dhaweyn ah ka jeediyay Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka Gobolka Sool, iyagoo sheegay in Xisbiga UCID yahay Xisbiga qudha ee aan lagula tartamayn Gobolka Sool, Maadaama Murrashaxa Madaxweyne ku Xigeen uu ka soo jeedo Gobolka Sool.

Sidoo kale Madax-dhaqameedku waxay sheegeen in aanay kala dooranayn Wasiir ay xukuumadii timaadaaba ku qasban tahay inay noo magacawdo iyo Madaxweyne, waxaanay sheegeen in Bulshada ku abtirsata Gobolka Sool dhammaantood ay taageersan yihiin Xisbiga UCID.

Murrashaxa Madaxweyne ku Xigeenka ee Xisbiga UCID Prof Axmed Cabdi Muuse Abyan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xisbiyada kale aanay keeni Karin isbedel, oo hore loo tijaaabiyay.

Murrashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanysa, waxaanu Bulshada ku dhaqan Gobolka Sool ugu baaqay inay kala doortaan Wasiir iyo Madaxweyne.

Sidoo kale Murrashaxa Faysal ayaa soo bandhigay barnaamijka Siyaasiga ah ee Xisbigu dalka ku haggayo, isagoo taa bedalkeedana farta ku fiiqay haggardaamooyinka Xisbiyada qaar la damacsanyihiin Qaranka Somaliland.

Ugu dambayn, Murrashaxa Faysal Cali Waraabe ayaa bulshada Gobolka Sool ugu baaqay in Doortaan Xisbiga UCID oo astaan u ah Midnimada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here