Murashaxa Madaxwayne Ku Xigeenka Ee Xisbiga Kulmiye Oo Kormeer Ololaha kusoo Maray Deeganada,Baligubadle,Sabawanaag,Salaxley Iyo Bali Mataan + SAWIRRO

0
724

Hargeysa, (HargeisaPress) — Waftigan oo uu hogaaminayay murashaxa madaxwayne ku xigeen ee xisbiga kulmiye Md.Cabdiraxmaan Cabdulaahi Ismaaciil Saylici Xubno ka mida golaha wasiirada qaar ka mida hogaanka sare ee xisbiga kulmiye iyo taagerayaal kale oo aad u tiro badan .

safarka waftiga oo qaatay galin hore iyo galin danbe ayaa badiba deeganada Baligubadle,Sabawanaag,Salaxley Iyo Bali Mataan iyo degano kale oo ka tirsan degmooyinkan aya ujeedkoodu ahaa ololaha xisbiga kulmiye ugu jiro tartanka doorashada madaxtooyada ee dhawan dalka dhacaysa .

bulshada ku dhaqan deeganada iyo tuulooyinka waftigu soo maray ayaa waxay cod dheer oo aan gabasho lahayn ku sheegeen inay cod iyo cuduba la garab taganyihiin xisbiga Midnimada Iyo Horumarka Ee KUMIYE .

Madaxwayne ku xigenka soomaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici”ayaa uga mahad naqay taagerayasha xisbiga ee ku dhaqan deeganada kala duwan ee hoos imaada degmoyinka Baligubadle,Sabawanaag,Salaxley Iyo Bali Mataan kana codsaday inay cududa iyo taagerada baaxad leh ee ay muujiyen Xisbiga KULMIYE iyo murashaxiintiisa ay maalinta doorashada ee 13 novenber ugu hiiliyaan xisbiga KULMIYE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here