Yaa Mudan in Bilad dahab ah la siiyo. !!!

0
1486

Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Cali Jibriil (Suldaanka Nabada)

Qormadan Kooban waxa aan ku soo qaadan doonaa ee la baxday yaa mudan in la siiyo Bilad Dahab ah, shaqsiga ummadu u aragto in uu ka soo baxay u hiilinta Diinta,danta,dalka iyo dadka

Hadaba Qormadan maanta waxa aan ku soo qaadan doonaa, doorka saamaynta ku yeeshay bulshada Dhexdeeda ee Suldaanka da`da yare ee Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Cali Jibriil(Suldaanka Nabada) waxa uu Hormood u noqday horumarka  bulshada Sanaag Bari iyo Guud ahaan gayiga somalida

Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Cali Jibriil (Suldaanka Nabada) waa Suldaan Da`yar oo xilka la wareegay markii gacan ka xaq darani dishay Aabihii Alle ha u naxariiste, Suldaan Xasan Cali Jibriil

Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Cali, waxa uu noqday Suldaan Mucjiso ah ka dib markii uu Cafiyay Ninkii Dilay Aabihii, sababta uu sidaasi u yeelay waxay ahayd in aanay dhibaatadu ku sii fidin beelaha walaalaha ah ee wada degan, loona gaadho Nabad iyo Horumar

Talaabada uu qaaday Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Cali ayaa noqotay mid cajab gelisay dhamaan ummada somaliyeed oo dhan, waxanay ku tilmaameen in uu qaatay go`aan la mid ah go`aankii uu qaatay Xaaji Cabdi Kariim Xusen (Xusen Cabdi-Waraabe) ka dib markii la dilay Aabihii.

Xaaji Cabdi Waraabe ayaa inta qori dhiibay la dul geeyay ninkii aabihii dilay, laguna yidhi soo dil waa ka ninkii aabaha dilaye, hasa yeeshee Xaaji Cabdi waraabe arrintaasi wuu qaadan kari waayay waxanu qorigii u dhiibay ninkii aabihii dilay, una sheegay go`aanka lagu soo gaadhay in la dilo. Ninkii ayaa yaabay waxanu siiyay inantisii ka dib markii uu ka yaabay caqli badnaanta ku jirtay Xaaji Cabdiwaraabe.   Gabadha la siiyay Xaaji Cabdi waraabe ayaa u dhashay caruur badan, waxana taariikhda u gashay Xaaji Cabdi-waraabe in uu noqday nin nabadeed.

Hadaba talaabada uu qaaday Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa iyana noqotay mid taariikhda ummada somaliyeed baal dahab ah ka gashay, ka dib markii uu cafiyay cidkasta oo ka qayb qaadatay dilka Aabihii Alle ha u naxariiste Suldaan Xasan Cali Jibriil

Suldaan Maxamd Suldaan Xasan Cali Jibriil waxay dadka somaliyeed maanta u aqoonsadeen in uu yahay Suldaankii Nabada, waxanu tusaale u noqday dhamaan Dhalinyarada iyo cidkasta oo xumaan ama dembi laga galay in ay sameeyaan Cafis iyo Saamaxaad.

Talaabooyinka kale ee uu qaaday Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Cali Jibriil (Suldaanka Nabada) waxa ka mid ah ka shaqaynta danta guud, isaga oo dhexda u xidhay in uu bulshada ku hogaamiyo Nabad iyo Horumar, waxanu meel iska dhigay dantiisii gaarka ahayd isaga oo Habeen iyo maalinba ku hawlan ka shaqaynta danta Caamka ah, taasi oo keentay in dadka deegaankiisu u aqoonsadaan qof u shaqaynaaya shacabkiisa, sido kale waxa uu sumcad iyo karaamo ku yeeshay dhamaan Haldoorka ummada

Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Cali Jibriil, tan iyo markii loo dhiibay saldanada waxa uu sameeyay guulo taariikhi ah, waxanu go`aan ku gaadhay in bulshada ku nool deegaankiisu sidii ay u heli lahaayeen adeega bulshada gaar ahaan, Caafimaadka,waxbarashada,biyah,wadooyinka iyo nabadgelyada dhamaana waxbuu ka qabtay, waxana markhaati maanta ka ah bulshada uu xilka u hayo ee sanaag Bari.

Guud ahaan bulshada ku dhaqan Sanaag bari waxa ay isla qireen in Suldaan Maxamed Suldaan Xasan yahay Masuul ka soo baxay masuuliyadii loo igmaday, waxanay balan qaadeen in ay garab istaagi doonaan markasta, taageero wixii uu uga baahdana ay la bar-bar taagan yihiin, waxanay Ilaahay uga baryeen in masuuliyada Culus ee ay u dhiibteen uu u fudaydiyo.

W/Q: Jamaal Ibrahim Maxamed,
Hargeysa/ Somaliland.
Mustaqbal17@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here