Munaasibad Kulmisay Badi Haldoorka Dalka Oo Lagu Daah Furay Ballaadhinta Telefishanka Caalamiga Ah Ee Bulshotv Iyo Hadalladii Laga Jeediyey

0
846

HARGEISA , (HargeisaPress) —Munaasibad kulmisay Haldoorka Siyaasadda Somaliland qaarkood, ayaa lagu daahfuray ballaadhin lagu sameeyey Telefishanka Caalamiga ah ee Bulshotv oo hore u ahaa telefishan dalka gudihiisa ka hawl gala oo laga daawado, balse hadda noqday mid heer caalami ah.

 

Daahfurka Ballaadhinta Telefishanka Caalamiga ah ee Bulsho Tv oo lagu qabtay hueelka Crown ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa ka qayb galay, Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Wasiirka Qorshaynta qaranka, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Wasiirkii hore ee Madaxooyada, Wasiirkii Hore ee Hawlaha Guud, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID, Guddoomiyaha Ururka SOLJA, Xildhibaan Rayte, Suxufiyiin  iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

buls

Tifaftiraha Guud ee Bulshotv Mustafe Sheekh Cumar oo ugu horayn halkaasi ka hadlay, ayaa ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu telefishanku soo maray iyo qorsheyaasha loo dejiyey, waxaanuu yidhi “Hadii aan ka bilaabo, sida Bulsho T-V ku soo galay hawsha, dabcan maraaxil kala duwan ayuu soo maray. Mar kali ahna cirka kama soo muuqanine hoosta ayaa laga soo unkay oo marba heer ayuu soo gaadhayay.

 

Marxaladahaas kala duwan haddii aynu ka soo qaado aas-aaskii, waxaa laga hirgaliyay markii koowaad magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer sanadkii 2009.

Waa uu ka soo gudbay Oo Hargeysa ayaa laga bilaabay 2011, Boorama ayaa hadana laga hirgaliyay 2014,  Gabiley iyo Wajaale ayaa iyana laga bineeyay  2015, dhamaantoodna waa uu ka shaqeeyaa, sidii ku talagalku ahaa ayuuna uga soo socdaa oo shacbigeenu wuxuu hellaa  TV ay daawan karaan oo maxali ah oo aan qalab badan uga baahnayn.

bulsh

Talaabadan maantuna talaabooyinkaas xidhiidhsan ayay ka mid-tahay oo waxaanu rajaynaynaa inaanu geeddigu sii wadno oo uu dhinaca wanaagsan iyo horumarka u socdo.

 

Ujeedada laga leeyahay haddii aan dhowr qodob ka taabto waxaa ka mid ah, inuu ka turjumo magaciisa oo noqdo u hadle bulsho, ka hadle bulsho iyo la hadle busho ka ugu wanaagsan.

 

Inuu u hadlo bulshadda oo uu noqdo Af-haye codkeeda meel-fog gaadhsiiya, inuu ka hadlo bulshadda oo uu dareenadeeda, tabashadeeda iyo waayeheedda u taagnaado iyo inuu la hadlo bulshada oo uu kala hadlo danaheedda,  Qiyamkeedda iyo bulsho nimadeedda. Hadraawi ayaa yidhi

‘Bulshooy addigay Boqraday

Beerkayga addaa gogladay

Bogayga adaa huwaday

Wadnaha adigaa barkaday

Bushmaha adigaa furfura

Markii Baaqaagu yeedho

Ayaan baholyow hadlaa

Dareenku baraarugaa.

Bulshooy adagay boqraday

Adaa bili igu shakalay

Buruudka adaygu xidhay

Hadaan ahay wiil bir kulul

Burjiga adigaa iska leh

Badheedhka adaa I faray”

Sidoo kale, Bulsho Tv waxaa qorshihiisu yahay oo ku weyn Horumarinta Ganacsiga inuu ka shaqeeyo. Siyaasadda inuu ka noqdo dhex-dhexaad oo dhinac kasta xaqiisa siiyo mucaarad iyo muxaafadba.

bulsho

Hawlahaas oo dhana waxaa ugu muhiimsan oo mab’da’iyan ka go’an inuu si xirfad leh oo Mihnad saxaafadeed haggayso u guto shaqadiisa oo aanu cid gaar ah u adeegin, cid kale oo gaar ahna ka adeegin.

 

Dadkoo dhan wuu u furanyahay, Talooyinkiina iyo soo jeedimihiinuna waa kuwo laga soo dhaweynayo mar walba Bulsho Tv” ayuu yidhi Mustafe Sh. Cumar Geeddi Tifaftiraha Guud ee Bulsho.

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey ballaadhinta lagu sameeyey Bulshotv, waxaanu bogaadiyey maamulka iyo shaqaalaha telefishanka, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Xafladdan lagu daahfuraayo balaadhinta Talafeeshinkan Bulsho Tv aad iyo aad ayaan ugu farax sanahay in aan ka soo qaybgalo oo inagu hadii aynu reer Somaliland nahay Tv Somali yeelato inaga ayaa ugu horeynay , imikana Talafeeshinkan Bulsho iyo Madaxdiisa waxaan u sheegayaa Sumcad fiican ayaad leedihiin oo nimanka yar yar ee idiin shaqeeya waan wada aqaana oo waa niman aad iyo aad midnimo u leh , waxaanu jecelahay in aad kuwo lagu deydo aad noqotaan”

 

Murashaxa Jagadda Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi “Maanta halkan waxaan ka hambalyeynayaa Bulsho Tv oo imika lagu sameeyey in uu Satalite-ka ku biiro oo runtii Mulkiilaha Bulsho Tv iyo Bahda Saxaafadda Somaliland ee kaleba hambalyo weyn ayaan u dirayaa , Ciyaar ciyaar maaha runtii in Tv la balaadhiyo oo qof in uu u tafaxayto oo Maskax iyo Maal badan la geliyo  waxaana wax lagu bogaadiyo oo lagu hambalyeeyo waanan bogaadinayaa runtii”

 

Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo munaasibaddan hadal ka jeediyey, ayaa waxa uu yidhi “Mulkiilaha Cali Faarax Xarbi wuxu ahaa iyo Tv-giisa Bulshoba guddaha dalka ayey ahaayeen oo in badan ayaa sida uu sheegay guddoomiyaha Soljo goorma ayuu daalayaa oo Xiiqayaa , balse xaqiiqo waxa ah in ninka dadaala uu noqon karo kuwa lagu deydo oo dedaalka in uu ku higsan karaayo in uu Tv-dii waa weynaa oo si kale marka uga may weyneyne oo inta laga daawado ayuumbay is dheeraayeene in uu gaadhi karaayo,”

 

Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland Cali  Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) oo isaguna munaasibaddan ka hadlay, ayaa bogaadiyey ballaadhinta Bulshotv, waxaanuu yidhi “Wuxu yidhi ninkii Jiray aniga warka intaas waxba ii sii dheer , Bulsho Tv anigu 2009-kii oo ah markii ay Bilaabantay marba meel ayaan kaga jiray si toos ah iyo si qarsoodi ahba oo xiliyo badan lataliye aan Mushahaar qaadan ayaan u ahaa Saaxiibkay Mulkiilaha Bulsho Tv ee Cali Faarax Xarbi oo aanu ilaa Mareykan iyo Kannadda soo wada marnay ayaa runtii Telefeeshinkan juhdi badan iyo hawl badan geliyey iyo dhalinyaradda ka shaqeynaysa”

 

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Somaliland Marwo Shukri Xariir Ismaaciil oo hadallo dardaaran u badan ka jeedisay goobta, ayaa waxa hadalladeedii ka mid ahaa“Waxaan marka hore jecelahay in aan halkan Hambalyo uga diro Tv-ga Bulsho oo runtii ah Tv aan aad u jeclahay  oo aan jeclahay dedaalka uu Mulkiiluhu sameeyey iyo hawsha balaadhan ee uu soo kordhiyey oo ah in uu si Caalami ah oo toos ah u galo Hawadda , hadii aanu nahay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland aad iyo aad ayaanu u soo dhaweynaynaa waanan ku hambalyeynaynaa dedaalka aad sameyseen kooxdiina Maamulka iyo Suxufiyiinta ka hawlgala talafeeshinkanba”

 

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamuud Jaamac Cabdi (Xuuta), ayaa soo dhaweeyey ballaadhinta bulshotv, waxaanuu yidhi “Hadii uu Cali isku qaatay Boorame, Wajaale iyo Berbera waxaan islahaa taloow goorma ayuu soo dhici doona , maalintii uu soo dhacay waa ka Satalite-kii hawadda u baxay, runtii aad ayaan ugu mahad naqayaa in uu Talafeeshin mustaqbal leh noqday, wasiirkii qorsheynta qaranka ayaa halkan fadhiya Cali Shoombe oo saxaafaddana wuu ahaa fursaddii Saxaafadda ugu wanaagsaneyd ayuu u hayaayoo Mashaariicdii maalgelinta isaga ayaa haya oo imika dhaqaalihii ugu badnaa ayuu gacanta ku hayaa , waxaan leeyahay Mashruuca SDF-ta sannad iyo badh ayaanu inta ka dabaqaylineynay oo aanu laheyn waar warbaahinta wax ha naga gaga soo celiyo ilaa hadana ma hayno , wasiir waxaan ku odhanlahaa Eeda Suxufiyiinta ee adna aad qayb ka tahay lacagta Saxaafadda ee barnaamijka ku jirta anaga oo jecel inay Hay’addaha warbaahintu bilaash ku sii daayaan waxa aad dooneysaane lacag Dhisme Xarun ah oo lagu tababaro ha la siiyo Warbaahinta”

 

Macalin Yoonis Cali Nuur oo ka mid ah ruugcadaayada saxaafadda oo isaguna ka hadlay halkaasi, ayaa waxa uu yidhi  “Marka 1aad waanu soo dhaweynaynaa runtii korodhka tiradda Talafeeshinadda soo kordhaaya ee Joornaaladdaba , laakiin tayadiina ha lagu daro oo waan ku bogaadinaaya runtii Bulsho Tv oo durba wax aanan ku arag Tv-da kale ayaan ku arkay oo Tayadda Sawirka Muuqaalkiisa wuu ka duwan yahay kuwa kale runtii oo kuma arag Sawir tayadiisu tahay sida kan Bulsho oo kale”

 

Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi “Bulshotv waxa ay buuxiyeen kaalin loo baahnaa dedaalkaas ay sameeyeen, iyaga oo soo korayey oo marba tallaabo qaadayey, waana sida caadiga ah ee bani aadamku u koro maalinba in taas ayaana sax ah, waan hambalyeynayaa bulsho tv oo waxaan leeyahay dedaalkaas aad samayseen mid loo baahnaa ayuu ahaa” ayuu yidhi Xirsi Xaaji Cali Xasan

 

Wasiirkii Hore oo Hawlaha Guud,  Guddoomiyaha Xidigaha Geeska Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax, Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali Rayte iyo masuuliyiin kale oo iyaguna halkasi ka hadlay ayaa dhamaantood bogaadiyey ballaadhinta lagu sameeyey Bulshotv.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here