Xukuumadda Somaliland Oo Diyaarinaysa Siyaasadda La Dagaalanka Mukhaadaraadka

0
645

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in ay samaynayaan siyaasad qaran oo ku waajahan la dagaalanka Mukhaadarraadka.

Iyadoo sidii siyaasadaasi loo samayn lahaana ay imika ku hawlan yihiin ururinta talloobiynkii loo baahnaa, isla markaana khubarradii iyo aqoon yahankiina ay dejinta iyo isku duba ridka arrintaasi  ku hawlan yihiin.

Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu maanta ka jeediyay kulan ku saabsanaa arrimaha amaanka oo magaaladda Hargaysa lagu qabtay.

Wasiirka ayaa intaasi raaciyay in wasaarradadaha dawladu way ka qayb gelayaan samaynta siyaasadaasi iyo sidoo kale booliskuba ay kala shaqayn doonaan arrintaasi wasaaradda arrimaha gudaha.

HALKAN KA DAAWO: Wasiirka Oo Arrintaasi iyo Qodob Kaleba Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here