Midowga Yurub oo Somaliland Kala Hadley Sidii Haweenka Hanka Siyaasadeed Leh Looga Taageeri Lahaa Dhinaca Dhaqaalaha 

0
1534

Hargeisa (Hargeisa Press) — Wefti ka socda ururka Midowga Yurub ayaa kulan la qaatay Wasiirka shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada Somaliland.

Kulankan waxaa wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi iyo masuuliyiin kale oo Wasaaraddaas ka tirsan.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay xaqa ay haweenka Somaliland u lee yihiin ka qayb qaadashada doorashooyinka Somaliland ka dhici doona iyo sidii looga taageero lahaa dhinaca dhaqaalaha dumarka hanka siyaasadeed leh ee reer Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta, Arrimaha Bulshadda iyo qoyska Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa ka warbixiyey kulankan iyo waxyaalihii ay waftigaasi ka wada hadleen, waxaanay tilmaantay Wasiir Hinda in waftigani ay su’aalo ka weydiiyeen qaabka ay haweenku uga mid noqon karaan golaha Wakiiladda Somaliland iyo Goleyaasha degaanka.

Wasiir Hinda waxa ay sheegtay in ay uga warbixisay dedaalka iyo waqtiga uu geliyey madaxweynaha Somaliland sidii ay uga mid noqon lahaayeen haweenka reer Somaliland goleyaasha Qaranka, sidoo kalena waxay intaas ku dartay Wasiir Hinda in ay waftigan u sheegeen in ay dumarka reer Somaliland ee hanka siyaasadeed lihi ay u baahan yihiin sidii looga taageeri lahaa dhinacyadda dhaqaalaha iyo tabobaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here