Gar-Adag: Caawimo Uu Soo Diray Xildhibaan Bidhi Oo La Gaadhsiiyay Qoys Danyara

0
718

Gar-Adag (Hargeisa Press): Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi, oo ka tirsan golaha deegaanka Burco ayaa ku caawiyay laba Wiil oo walaalo ah oo Lugaha naafo ka ah laba baabuir curyaan iyo raaahin.


Xildhibaan Mubaarig Bidhi, oo isagu haatan kyu sugan dalka Ingiriiska ayaa caawimadaasi u wakiishay in ay qoyskaasi gaadhsiiyaan dad degan degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag.
Qoyska labadan Wiil ee caawimadda la gaadhsiiyay ayaa ku nool meel qoyaastii 40 KM u jirta degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag.


Kaalmadan uu xildhibaan Mubaarig Bidhi, u soo diray qoyskaasi ayaa isugu jirtay laba Baaskiiladaha curyaamiinta ah.
Iyo sidoo kale raashin isugu jiray Bariis, Daqiiq, Sonkor, iyo Timir.
Caawimadaasi oo ay aad ugu baahnaayeen wiilaashan curyaamiinta ah oo walaalo ah iyo qoyskooduba.


Caawimadan xildhibaan Bidhi, uu soo bixiyay ayaa la dhalatay kadib markii uu xildhibaanku daawaday muuqaal laga soo duubay Wiilashaas naafadda ah iyo qoyskooda oo aad u duruufaysan, isla markaana caawimo u baahan.

Daawo: Warka Gaadhsiinta Kaalmadaasi:

Dhinaca kale qoyskan duruurfta adag ku nool ayaa Walaalaha muslimiinta ah ee khayrka jecel ka codsaday inay soo caawiyaan.

Cidii jecel ama doonaysa in ay qoyskaasi caawiso ha kala xidhiidho telefoonadan:

0636574443 Hodan Aadan Cilmi Hooyada qoyska.

LEAVE A REPLY