Midowga Yurub oo Somaliland iyo Soomaaliya Ugu Baaqay Inay Heshiis Gaadhaan

0
2788

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kula biiray safiirka midowga yurub u qaabilsan Soomaaliya, Nicolas Berlanga xafladan qaab online ah oo loogu dabaaldegayay maalinta Yurub 2020.

Madaxweyne Biixi iyo danjire Nicolas Berlanga ayaa labaduba khudbado ka jeediyey shirka fiidiyowga ee tooska loogu daawanayay.

Danjire Berlanga wuxuu ku boorriyay Somaliland inay ka shaqeyso sidii loo gaadhi lahaa heshiisyo lagu xalinayo dhibaatada muwaadiniinteeda iyo in la fuliyo himilooyinkooda.

Sidoi kalena danjit3 Berlanga ayaa ugu baaqay dowladdaha Somaliland iyo Soomaaliya inay heshiis waara gaadhaan.

Wuxuu muujiyey sida ay uga go’an tahay EU-da in laga caawiyo geedi socodkaas.

Ergayga Midowga yurub ee Soomaaliya wuxuu carrabka ku adkeeyay cilaaqaadka adag ee ka dhexeeya labada dhinac iyo sida ay uga go’an tahay inuu xidhiidh dheeri ah la yeesho Somaliland.

Hadalka safiirka ayaa ku soo beegmaya xilli codadka bulshada caalamka ay riixayaan wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here