UNICEF oo Ka Walaacsan Halista Coronavirus Ee Caruurta Soomaalida

0
1161

Nairobi (Hargeisa Press)- Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan carruurta ee UNICEF, ayaa waxay walaac ka muujisay halista Coronavirus ee ay wajahayaan carruurta Soomaalida ee ku nool xeryaha barakacayaasha, kuwaasoo hay’adda ay sheegtay inay xanuunka uga nugulyihiin kuwa aan barakacayasha aheyn.

Walaaca UNICEF ee carruurta barakacayaasha ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay dagaal ba’an kula jirto sidii loo xakameyn lahaa cudurka dunida ku faafay ee COVID-19.

Jamaal Sarmaan oo ah sarkaal UNICEF u qaabilsan dhinaca warfaafinta ayaa VOA-da u sheegay, in hadda ay ku dadaalayaan sidii carrurta qoysaskooda ay nugulyihiin looga ilaalin lahaa in xanuunka uu gaaro.

VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here