Mayarka Degmada Gabiley oo Maanta Kormeer Ku Soo Maray Mashaariicda Horomarineed Ee Ay Dawlada Hoose Ee Gabiley Gacanta Ku Hayso + SAWIRRO

0
1524

Gabiley, (HargeisaPress) —Dawlada hoose ee gabiley ayaa saaka bilawday safar ay eegayso mashariicda dawlada hoose ee gabiley ka fuliso deegamada iyo tuuloyinka hoos yimaada gobalka gabiley hadaba mashariicdan guud oo ahaa kuwo xambaarsana adeegyada kala duwan ee bulshada sida caafimadka waxbarashada iyo waxsoosaarka beeraha isla markaana ahaa mashaariic ay dawlada hoose ee gabiley ka hirgalisay degmada gabiley iyo tuuloyinka sida.isbitaalka guud ee gabiley oo ay ka fulisay waaxda emergency room ama gar gaarka deg dega ah oo cusbitaalka baahi wayn uqabay sidoo kale tuulada gaad oo ay ka fulisay iskuulka hoose oo waxbarasho iyo sidoo kale tuulada magaalo farxaan oo ay ka fulisay iskuulka hoose sidoo kale tuulada galoolay oo ay ka fulisay dayactirka iskuulka h/dhexe hadaba koormeerkan oo xambaarsana mashariic kala duwan ayaa fuliyey dawlada hoose ee gobalka gabiley mashariicdan ayaa ahaa kuwo aanay cid kale aanay ka caawin fulinta mashariicdan..

2

Hadaba koormeerkan ayaaa waxa hogaaminayey maayarka dawlada hoose ee gabiley mahamed aamin cumar abdi waxa sidoo kale wehelinayey maayarka laba xildhibaan oo golaha degaanka gabiley sida xildhibaan c/qaadir mahamed faarah iyo xildhibaan c/samad iidle cali isla markaan xildhibaanada dabagalka mashariiicda dawlada hoose ay fuliso ahna gudiga dabagalka mashariicda ugu horayn waxa halkaasi ka Hadley isagoo la hadlaya odayaasha tuulooyinka iyo deegamada isla markaa ugu baaqey inay ilaashadaan waxqabadka dawlada fuliso kana faa,idaystaan adeegyada waxbarashada oo ay xil wayn iska saran oo aanay halkaa uun kaga tagin waxqabadka mashariicdan madaama oo baahi wayn loo qabayey lagana sugayey dawlada hoose manta ay hirgalisay idinkuna dhinaciina ka faaidaysta oo dayacina intaa ka dib waxa isuguna hadalo kooban ka yidhi xildhibaan c/qaadir mahamed faarah oo kula dardaarmay dadwaynaha halkaasi ku dhaqan fursada manta ay heleen inay ka faa,idaystaan oo aanay halkaaa uun kaga tagin.

1

Intaa ka dib waxa iyaguna hadalo duco ah iyo mahadnaq iskugu jira yidhi odaaysha waxgarad ku dhaqan tuuloyinka deeganadasi oo dawlada iyo maayar aamin cumar abdi uga mahad cilayey sida uu ugarab taagan yahay dadkiisa dalkiisa hadaay abaaro tahay iyo hadii ay mashaariic tahay la garab taagan umadiisa kana war hayo xaalad kasta oo ay ku suganyihiin,

 

 

Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley

Email:  wacay28@hotmail.Com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here