Maxkamadda Sare oo Waxka Bedel Ku Samaysay Qiimaha Magta, Qoomaha iyo Meherka Dumarka

0
2189
Maxkamadda Sare ee Somaliland

Hargeisa (Hargeisa Press) — Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa soo saartay wareegto ujeedadeedu ku saabsan tahay wax ka bedel ay ku sameysay qiimaha Magta, Qoomaha iyo Meherka dumarka ee dacwadaha Maxkamaddaha soo gala.

Wareegtada ka soo baxday Maxkamadda sare ee Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Hargeisapress , ayaa u dhignaa sidan:-

1.Dilka, dhaawaca iyo qoonta badheedhka  waxa lagu kala qaadanayaa qiimo ah hashiiba 3,500,000 (Saddex milyan iyo shan boqol oo kun oo shilin Somaliland ah).

2. Dilka, dhaawaca ama qoonta aan badheedhka ahayn ee kama sida shilalka Baabuurta iyo wixii la mid ah ee maqaadiir ah waxaa lagu kala qaadanayaa qiimo ah hashiiba 2,500,000 (Laba milyan iyo shan boqol oo kun oo shilin Somaliland ah).

3. Meherka dumarka waxaa lagu kala qaadanayaa qiimo ah hashiiba 3,500,000 (Saddex milyan iyo shan boqol oo kun oo shilin Somaliland ah).

4. Wareegtadan waxaa ka baxsan wixii ay dhinacyadu dibadda kaga soo heshiiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here