Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo Xukun Ku Riday Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr

0
1384

Hargeysa (Hargeisa Press) – Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, ayaa waxaa ay saaka xukun adag ay ku riday Qoraaga caanka ah ee Siciid Maxamuud Gahayr oo ka mid ah hal-abuuradda da’da yar ee reer Somaliland.

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, ayaa waxaa ay Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr ku xukuntay 3 sano oo xadhig ah iyo 1 Milyan oo shilinka Somaliland ah, sida ay maxkamaddu ku sheegtay warqad ay soo saartay.

Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr oo muddooyinkii u dambeeyay ku xidhnaa magaalada Hargeysa, ayaa sida la sheegay lagu soo eedeeyay qoraalo uu ku faafiyay bartiisa Facebook-ga oo uu ku dhaliilayo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.

Maaha markii ugu horraysay ee la xidho Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr, balse waxaa jiray marar hore oo la xidhay iyada oo lagu soo eedeeyay qoraalo dhaliil ah oo uu faafiyay.

No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here