Maxay Tahay Arrinta Lagu Haysto Duqa Istanbul?

0
872
Ekrem Imamoglu
Ekrem Imamoglu

Istanbul (Hargeisa Press) – Dacwad oogayaasha dalka Turkiga, ayaa baadhitaan ku billaabay duqa magaalada Istanbul Ekrem Imamoglu oo loo haysto dhaqan “xushmad darro ah” oo uu sameeyay mar uu booqday qabri, sida ay Salaasadii sheegeen saraakiishu.

Imamoglu, oo ay suurta-gal tahay inuu madaxweyne Erdogan kula loolamo doorashada xigta, kana tirsan xisbiga mucaaradka ee CHP, ayaa la sawiray isaga oo gamcihiisa xijiyay dhabarkii, intii lagu guda jiray booqasho uu sanadkii hore ku tegay qabriga Sultaankii Cusmaaniyiinta ee Mehmed II.

Waxa uu ka qeyb galayay munaasabad lagu xusayay sanad guurada markii Istanbul laga qabsaday Boqortooyadii Byzantine 1453-kii.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Ismail Catakli, ayaa sheegay in baadhitaanka ay billaabeen dacwad oogayaasha iyada oo la tuhmayo inuu “xushmad dareeyay qabriga Furtihii Istanbul, Mehmed II”

Afhayeenku ma sharxin sida Imamoglu uu xushmad dareeyay qabriga.

Dacwad oogayaasha, ayaa sidoo kale baadhaya eedeymo kale oo ku saabsan in Imamoglu uu booqday guddoomiyayaasha xisbiga mucaaradka ee Kurdishka ee HDP, sida uu sheegay Catakli.

Dacwad oogayaasha ayaa imika isku dayaya inay baabi’iyaan xisbiga HDP oo ah kan saddexaad ee ugu weyn baarlamanka, sababo la xidhiidha tuhun ku saabsan xidhiidh uu la leeyahay kooxda Kurdish-ka ee sharci-darrada laga dhigay ee PKK, oo Ankara iyo xuluafeeda Reer Galbeedka ugu diiwaan gashan urur argagixiso.

Afhayeenka Imamoglu Murat Ongun, ayaa soo tweet gareeyay in Imamoglu laga codsaday inuu jawaab ka bixiyo baadhitaanka “oo aan lahayn wax sharaxaad ah.”

Imamoglu, ayaa ceebeeyay xisbiga Erdogan ee AKP, markii uu 2019-kii ku guuleystay tartankii duqa magaalada Istanbul ee muranka uu hadheeyay sababo la xidhiidha tuhun wax is-daba marin, taasi oo dhalisay in mar kale dib loogu celiyo codeynta, iyada oo labada marba u uku guuleystay.

AFP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here