Maxay Ka Wadahadleen Madaxweyne Biixi iyo Wefdiga Itoobiya?

0
1915

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu xalay kulan casho sharaf ah la qaatay wefdigii ka socday dalka Itoobiya ee shalay soo gaadhay dalka Somaliland.

Kulanka madaxweyne Biixi iyo wefdiga Itoobiya, ayaa lagaga wadahadlay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ay labada dal horeba isaga kaashan jireen, waxa kale oo kulankaa lagaga wadahadlay arrimaha isu socodka ganacsiga labada dhinac, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Qoraalka madaxtooyada, ayaa sidoo kale lagu sheegay in kulanka ay Madaxweynaha ku wehelinaayeen wasiirrada wasaarradaha Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud, Horumarinta Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire, Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad Saajin, Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdrisaaq Ibraahim Maxamed iyo Taliyaha Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland, Admiral Ahmed Hurre Haarriye.

Wefdiga ka socda Itoobiya oo ay hoggaaminayso Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka, Dagmawit Moges, ayaa waxaa wehelinaya Wasiir, La-taliyaha Amniga Qaranka, Redwan Hussien, Agaasime ku xigeenka Afrika ee wasaaradda arrimaha dibedda, Amb. Jamaluddin Mustafa, Agaasimaha Amniga Badaha, Yehualashet Jemere iyo Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Amb. Saeed Muhamed Jibril.

Sikastaba, ilaa hadda ma cadda ujeedka ay Somaliland u yimaadeen wefdigan heerka sare ah ee ka socda dowladda Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here