Maxamed Kaahin Oo Meesha Ka Saaray Inay Isaga Iyo Maxamuud Xaashi Baratan Ugu Jiraan Guddoomiyenimada Xisbiga KULMIYE

0
843

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiye-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa meesha ka saaray inuu jiro wax tartan iyo loolan ah oo ka dhex taagan xisbiga KULMIYE oo loogu baratamyo guddoomiyenimada xisbigaas.

 

Md. Kaahin, oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu meesha ka saaray suurtogalnimada dib u dhac ku iman kara doorashada madaxtooyada ee qorshaysan inay qabsoonto March 2017. Waraysigaas oo uu Maxamed Kaahin sidoo kale kaga hadlay arrimo kale, wuxuu u dhacay sidan:

 

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa soo baxayey warar sheegaya in adiga iyo Wasiirka Madaxtooyadu aad loolan adag ugu jirtaan jagada Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye markaas maxaa ka jira wararkaas?

 

Wax alaale wax ka jira ma jirto, wax loolan ah oo aanu ugu jirnaana ma jirto.

 

Xisbiga Mucaaradka ee Waddani wuxuu idinku eedaynayaa inaad kharash iyo lacag ku bixinaysaan in Masuuliyiinta Waddani ka soo baxaan Xisbigaas oo ay idinku soo biiraan markaas eeddahaas maxa ka jira?

Arinkaas wax faragelin ah oo Xisbiga Kulmiye kaga jiraa ma jirto,wax dhaqaale ah oo uu ku bixinayaana ma jirto, Xisbiga Waddani ayey u taala arimahiisa sida uu u hagaajisanayo.

 

Xukuumaddu way bixisay kharashkii Doorashada balse ilaa hadda Dawladdihii Somaliland ka caawin jiray Doorashooyinka   go’aankii Madaxweynaha ee muddo kordhinta Golaha Wakiilada ayey ka biyo diideen, ilaa haddana kharashkii Doorashada may bixin markaas maxaad Wadamadaas iyo Beesha Caalamka ugu baaqaysa?

 

Komishanku waa kuwii Nayrobi tagay ee soo arkay Beesha Caalamka, markaas waxaan Beesha Caalamka leeyahay Doorashadii Somaliland waa ka diyaar, Xukuumadda waa ka diyaar, Xisbiga Kulmiye inuu Doorashada galo waa ka diyaar, markaas Beesha Caalamku inay ila dhamaystiraan waxyaabaha ay u baahan tahay Guddidu Doorashooyinku ee ay ku diyaarinayaan Doorashada ayaan kula talin lahaa.

 

Waxa jira tuhuno iyo shaki laga qabo in Doorashada Madaxtooyadu dib u dhacdo, oo Xukuumadda muddo kordhin dambe loo sameeyo markaas maxa ka jira?

 

Xukuumadda waa ka diyaar weyna ka go’an tahay inay Doorashadu qabsoonto, haddii ay muddo kordhin doonaysana kharashka may bixiseen, Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadduba diyaar ayey u yihiin Doorashada.

 

Madaxweynuhu wuu ka tanaasulay inuu mar kale isa soo sharaxo, muddo xilkeedkiisana muddo kooban ayaa uga hadhay, markaas muddadaas uu xilka hayey maxa lagu xasuusan karaa?

 

Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisuba markii ay Mucaaradka hayeen barnaamijkii ay ku ololayn jireen inay dalka ka qabanayaan haddii ay taladda dalka ku guulaystaan intoodii badnayd wey fuleen, waxaana ka mid ah dalka oo horumar balaadhan la gaadhsiiyey, Wasaaraddihii dalka oo si casriya loo dhisay, nidaamkii dawladnimo oo la dhisay, Darajadii Ciidamada oo la bixiyey, Waddooyinkii oo la dhisay, Waxbarashadii dawliga oo bilaasha laga dhigay iyo waliba heshiiska Dekadda Berbera ee DP World, oo ah heshiiskii iyo maalgashigii ugu baaxda weynaa ee ay Somaliland gasho, waxaana dhab ah in heshiiskani Somaliland u horseedi doono Dhaqaale,Shaqo abuur, Maalgashi iyo Horumar,markaas Madaxweynuhu dalka wax badan oo aan la soo koobi Karin buu ka qabtay.

 

Khilaaf muddo dheer soo jiitamaayey ayaa masuuliyiinta Xisbiga UCID u dhexeeya, khilaafkiina hadda meel adag buu marayaa, markaas maxaad labada dhinacba kula talin lahayd?

 

Anagu labada dhinacba waxaanu ugu baaqi lahayn oo aanu kula talin lahayn Xisbiga taladiisa ha la ururiyo, wixii khilaaf ah ee dhexdoodana ha dhamaystaan.

 

Abaaro baahsan baa dalka ka jira, gaar ahaan Gobolada Barri markaas maxaad ku baaqi lahayd?

 

Madaxweyne baaq caalamiya ayuu jeediyey, kana jeediyey xaalada abaareed, marka ka Xisbi bahaan waxaanu leenahay aad ha loogu dhego nuglaado xaalada abaareed ee dalka ka jirta, waxaana ku taliyey in wixii caawimo ah ee la bixinayo dadka abaaruhu hayaan deg deg ha loola soo gaadho, oo Beesha Caalamka kaalintooda ha ka qaatan, Dawladduna kaalinteedii wey ka qaadatay, oo Madaxweyne ku xigeenku waa kii Gobolka Togdheer tagay,Wasiiraddiina wey wareegayaan, waxyaabo la sii qadimay oo la dirayna wey jiraan, Dawladduna dadaal bay wali ku jirtaa, oo dadkeeda waa u heegan, dadka bayac-mushtariga ahna waxaan ugu baaqayaa maanta dadkeenii uu liita oo xaalad abaareed baa jirta ee Guddida Abaaraha waxaad ku biirin kartaan ku biiraya, ILLAAHAYNA waxaynu ka baryeynaa inuu abaarta inaga soo jabiyo, oo Raxmadiisa wax inagu siiyo, oo uu Roobka inoo shubo, oo saaladii roob doonta ahayd ee Gobolada oo dalka oo dhan laga tukaday inuu ALLE inaga aqbalo, dadkana waxaan leeyahay ha la isku naxariisto, cidii wax fidin kartaana ha fidiso, gurmadii dawladduna uu socdaa.

 

S-Guud ahaan Bulshada Somaliland maxaad ugu baaqaysa?

 

J-Bulshada Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay nabadgalyada ilaaliyaan,inay qaranimadooda ilaaliyaan, xaalada abaarahana in wixii tamartooda ah inay kaga qayb qaatan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here