Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Madaxweyne Biixi iyo Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka?

0
2643

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo  WADDANI , ayaa saaka kulan xaasaasi ah ku yeeshay xarunta madaxtooyada Somaliland.

Kulankan, ayaa waxaa ay labada dhinac kaga arrinsanayeen khilaafka taagan ee ku saabsan doorashooyinka iyo furista ururada siyaasada oo ay labada dhinac isku seegan yihiin, islamarkaana labada dhinac mid waliba isagu sheeganayo inuu sharcigii ku taagan yahay.

Kulanka waxa goob-joog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaah ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan oo hoggaaminaya xubnaha ergeda ah, xubno kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo wasiirro xukuumadda ka tirsan.

Ugu horeyn Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo kulanka furay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in dhinacyadu xal ka gaadhaan khilaafkooda, lagana gun-gaadho wax kasta oo lagu kala aragti duwan yahay, si hore loogu socdo, waxana uu dhinacyada ka codsaday inay tanaasul sameeyaan.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna soo dhaweeyay madaxda axsaabta mucaaridka iyo ergeda dhexdhexaadinta waddaba, waxana uu u muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in la isku soo dhawaado, lana gudo galo kulanka ugu horreeya ee dhinacyadu isku arkayaan.

Hoggaanka axsaabta mucaaridka ah ee UCID  iyo WADDANI, ayaa dhankooda muujiyay sida ay uga go’an tahay in xal waara laga gaadho xurfugta iyo khilaafka siyaasiga ah ee taagan, dhinacyaduna isku soo dhawaadaan.

Dood iyo is dhegaysi dheer kaddib, guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo murrashax madaxweyne ee xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo halkaas ka hadlay, ayaa shaaciyay inay diyaar u yihiin sidii muhiimad gaar ah loo siin lahaa midho-dhalka wadahadalka bilaabmay, dhankoodana ay fulinayaan wax kasta oo keenaya in khilaafka jira la suuliyo, lana ambo qaado geeddi-socodka doorashooyinka dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna sheegay inay ka go’an tahay oo uu diyaar u yahay gunaanadka khilaafka jira iyo daaweynta tabashada mucaaridka, islamarkaana ay daruuri tahay in cid kastaaba masuuliyad gaar ah iska saarto gaadhista xal lagu wada qanacsan yahay.

Xubno kamid ah ergeda dhexdhexaadinta isu xilqaantay oo ay kamid yihiin Sheekh Ismaacil Cabdi Hurre (Dheeg), Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen Nuur iyo Siyaasi Cali Maxamed Warancade oo hadallo kooban jeediyey, ayaa madaxweynaha qaranka iyo hoggaanka axsaabta qaranka ugaga mahadnaqay sida masuuliyadda leh ee ay u jawiga wanaagsan ugu bilaabeen kulankooda koowaad, waxana ay kula dardaarmeen inay ku dedaalaan sidii usoo saari lahaayeen natiijo bulshada ka farxisa oo qaranka dan u ah.

Kulankan oo ibo-fur u ah kulamo dhawr ah oo ay dhinacyadu yeelan doonaan, ayaa ku soo dhammaaday guul iyo isu soo dhawaansho buuxa, waxana kulanka kan xiga loo ballammay ciidda Carrafo ee foodda inagu soo haysa kaddib.

Ka dib kulankii ergadii dhexdhexaadinta xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumadda Somaliland ay la yeesheen Madaxweyne Biixi shalay waxaa gelinkii dambe la sii daayay siyaasiyiinta mucaaradka ka tirsanaa oo ku jiray xabsiga Mandheera arintaas oo salaadiinta waday ku sheegeen muujin niyad wanaag ah.

Sikastaba, Xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiyada Mucaaradka, ayaa isku khilaafsan furista ururrada siyaasadda oo labada xisbi mucaarad ka soo horjeedaan, halka ay xukuumaddu ku doodaysa in Doorashada madaxtooyada ka qayb-gali doonaan Saddexda Xisbi ee ka soo baxa tartanka ururrada siyaasadda, balse Xisbiyada Mucaaradku ku adkaysanayaan inay doorashadaas ka qayb-gali doonaan saddexda xisbi ee jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here