Maxaa ka Run ah weedhihi musharax Dable iyo Xifaaltankii Mayar Cidin

0
883

Barnaamijkan qanci dadkaaga oo ka dhacay magaalada Barbara habeenkii taarikhdu ahayd 24/05/2021 ee salaasa soo galaysay.

Dooda ayaa u dhaxaysay 3 musharax oo u tartamayay jagada maayarnimo iyo xildhibaanimo ee magaalada Barbara oo kala ahaa Mohamed Dable Ucid, Abdishakuur Cidin Kulmiye iyo Nuur Cade wadani.

Dooda u wayn waxay u dhaxaysay maayar Abdi Shakur iyo Musharax maayar Mohamed dable.
Doodu waxay ku salaysneed in qof kasta soo bandhigo waxqabadkiisa iyo qorshayaashiisa u qorshaysan.

Markii masuul kasta hadalkiisa la siiyay,waxa timi in Hassan galaydh su’aal waydiiyay Musharax Mohamed Dable oo ahayd dhul aad Barbara ku leedahay inta wado ku soo hagaagtay ma diiday oo hub ma u qaadatay?

Su’aasha Mohamed dable wuxu uga jawaabay in arintaas aanay ka jirin waxba gabi ahaan isla markaana sharci uu dhulka ku dhamaystay sido kale dhulal kale oo uu leeyahayna danguud laga jaray ba.

Maayar cidin oo hadalka qaatay arintaas uu beeniyay oo wuxu ka dhigay waxba kama jiraan uu Mohamed dable sheegay.

Hadii maayar Abdishakur dable ku eedeynayo dhulbaad qori ku difaacatay,bal maayar Abdishakur waxad inoo waydiisaan ficilkii uu sameeyay ee uu warshada laydhka ku weeraray ee uu qoriga kula galay?

Abdishakur cidin waxa ugu wayn ee uu Mohamed dable ku dhaliilay ayaa ahayd in Mohamed isagoo ganacsade ah dhul uu shaqsiyaad la yaqaano ka iibsaday si uu u maalgashado,dhulkaas oo goobo muhiima ku yaala.

Hadii maayar Abdishakur Mohamed Dable ku dhaliilayo dhul baad iibsatay barbara ku yaala,bal maayarka waxaad inoo waydiisaan dhulkii Barbara ee khayriyada ahaa 26 June xaguu ku danbeeyay iyo cida laga iibiyay ee ganacsatada ah,raasigii Barbara cida qaadatay ee buuxsatay.

Dhulalka danta guuda ee shaqsiyaad jeebka u galay tiro iyo cadad ma leh,cid kasta iyo bulsho kasta way og tahay.

Mohamed Dable maanta xoogiisa oo uu shaqaystay buu ku ololaynaya oo wuxuu dhul Barbara ku leeyahay ku iibsaday,maayar cidin dhulalkiisa iyo fooqyadiisa xagay uga yimaadeen 2012 wixii ka danbeeyay hala soo waydiiyo.

Hassan galaydh waxay ahayd intaad waydiinayso Mohamed Dable dhul aad leedahay baad qori ku difaacatay waxa ka mudnayd in maayar cidin waydiiso sababtii uu ku weeraray warshadii laydhka barbara ee uu markii danbena qoriga la galay ee sidii lagu xidhay.

15Million$ oo Barbara miisaaniyad u hesho meeshay mareen iyo wixii kaga soo noqday ayay ahayd in reer Barbara is waydiiyaan oo ka doodaan laakin may dhicin.

Miisaaniyada faraha badan ee degmada Barbara hesho waxay gaadhay heerka caafimaad xumo ee magaalada in qof kasta oo baahi caafimaad la soo deristo uu toos ugu safro caasimada somaliland ee hargeisa sidoo kale waxa aad u liita heerka waxbarasho ee aasaasiga ah iyo tacliinta sare ee magaalada ee heerka jaamacadeed.

Magaalada gudaheeda waxa ka jirta danyar aad u faro badan oo la il daran baahiyaha nolosha aasaasiga ah ee xagaaga iyo hanfigag kulul ee magaalada ka dhacaya oo nolosha ku adkaysay.

Barbara waxa ka jirta baahida u wayn oo ah tayo xumo baahsan oo mudo badan reer Barbara la daala dhacayeen oo dhinaca laydhka ah.

Xeerka shaqaalaysiinta dawlada hoose Barbara oo ku dhisan nidaam hal jufo oo isku beel ah sidoo kale aanay wax xuquuq ah iyo nidaam ah aanay lahayn shaqaalaha dawlada hoose ee Barbara oo mesha ay ka jirto system hal qof ka bilaabma Isla markaana hal qof ku dhamaada oo abdishakuur cidin ah.

Waxay ahayd in ay reer Barbara maayar cidin kula xisaabtamaan halka ay ku danbaysay hantidii danta guud ahayd ee ay ugu horayso khayriyadii 26 June,raasigii Barbara iyo dhulkii danta guud ahaa ee Barbara oo maanta sees miidhan iyo deeraar waawayn lagu wada xidhay.

Isbedelku wuu imanaya,xaquna wuu cadaanaya insha Allah.

Alle Mahad Leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here