Mas’uuliyiinta Saddexda Xisbiga Qaran Oo Maanta Ka Amba Baxaya Caasimada Hargeysa Una Sii Jeeda Gobolka Sool Iyo Ujeedada Socdaalkoodu Daaran Yahay

0
802
News

laascaanood, (HargeisaPress) —Masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ee KULMIYE,UCID Iyo WADDANI ayaa la filayaa inay maanta ka amba baxaan caasimadda hargeysa iyaga oo usii jeeda magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool.

 

Waxaana masuuliyiintani sida naloo sheegay uu ujeedka socdaalkoodi daaran yahay ka qayb galka iba furka diiwaangalinta codbixiyayaasha gobolka sool oo la filayo inay ka qabsoontay magaalada laascaanood badhtamaha todobaadkan.

 

Sidoo kalena waxa maalmihii u danbeeyey magaalada laascaanood kusii qulqulayay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dawlada Somaliland kuwaasi oo dhamaantood si balaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada laascaanood,iyada oona ay xusid mudan taahy in saakaba ay magaalada hargeysa ka amba baxeen qaar kamida masuuliyiinta xisbiyada qaranku.

 

Sidoo kalena wararka aan saaka ka helayno magaalada laasacaanood soona gaadhay xafiiska shabakada ramaasnews ayaa sheegaya in gudaha magaalada laascaanood lagu soo daadiyay ciidamo tiro badan oo kala duwan oo iskugu jira ciidanka Militeriga iyo booliska,kuwaasi oo aad u adkeeyey amaanka magaalada laascaanood.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here