‘Mashruuc Xumbo-wayne la yidhaah oo imika socdaa habayaraatee Ma jiro’ Ibraahim Siyaad Yoonis

0
1024
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis (Photo File)

Hargeysa, (HargeisaPress) —Maareeyaha wakaalada Biyaha magaalada caasimadda ah ee Hargeysa mudane Ibraahim Siyaad Yoonis ayaa sheegay in gebi ahaanba uu istaagay mashruucii biyo ballaadhinta caasimada Hargeysa ee Xumbo-wayne.

 

Maareeyaha ayaa waxa uu sheegay in aanay jirin wax illaa hadda gacanta xukuumadda ku jira oo biyo ballaadhin loogu sameynayo caasimadda Hargeysa, gaar ahaan mashruuca Xumbo-wayne ee inta badan la sugaayay.

 

“Mashruuc Xumbo-wayne la yidhaah oo imika socdaa habayaraatee ma jiro, Mashruucaa 12-ceel ayaa laga qoday meesha la yidhaahdo Xumbo-wayne oo sida loo qoday su’aalo badani ay ka taagnaayeen oo fayskii koowaad ahaa iyo fayska labaad oo ahaa in beebkii lasoo dhigo oo baraagihi la sameeyo illaa imika waynu sugaynaa” ayuu yidhi maareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa mudane Ibraahim Siyaad Yoonis.

 

Dhinaca kale, Maareeyaha ayaa masuuliyadda dib u dhaca mashruuca xumbo-wayne ku eedeeyay Shirkad uu ku sheegay in la yidhaahdo ‘Fallaax Al Axbaabi’, isagoona eeda ka duway xukuumadda uu ka tirsanyahay.

 

Ugu dambeyntii, Xukuumadda madaxweyne Silaanyo ayaa tan iyo markii ay la wareegtay xukunka waxa ay shacabka magaalada Hargeysa u sheegi jirtay in ay heli doonaan biyo ku filan, balse hadalka kasoo yeedhay maareeyaha wakaalada biyaha ayaa muujinaya in uu fashilmay mashruucii biyo ballaadhin caasimadda Hargeysa ee Xumbo-wayne.

 

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka warkan.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here