Marxuum Ay Xukuumadda Somaliland Sheegtay Inuu U Dhintay Coronavirus oo La Beeniyay

0
2542

Boorama (Hargeisa Press)- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in qofkii ugu horreeyay uu u geeriyooday xanuunka Coronavirus, balse waxaa arintaasi beeniyay qoyska marxuumkaasi la sheegay inuu u geeriyooday xanuunkaasi.

Qoyska marxuumkaasi oo aan magaciisa la shaacin ayaa oo maanta warbaahinta kula hadley magaalada Boorama ayaa waxaa ay sheegeen in uu marxuumkaasi u geeriyooday xanuunka qaaxada (TB).

Qoyska oo lagu xukumay iney muddo 21 cisho ah karantiil galaan ayaa sheegay inay dhameysteen, balse ay dhaliilo u jeedinayaan wasaaradda Caafimaadka gobolka Awdal iyo sidoo kale Cisbitaalka weyn ee magaalada Boorama.

Waxaa ay Qoyskani sidoo kale warbaahinta u sheegeen inay maydka iyagu aaseen, iyagoona beeniyay inay dowladdu aas u sameysay marxuumkaasi.

Qoyskan ayaa waxaa kaloo ay sheegeen inay caafimaad qabaan isla markaana ayna dareemaynin wax xanuun ah oo la xidhiidha Coronavirus.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here