Madaxweynaha Somaliland oo Ka Qayb-galay Aaska Suldaan Barre Xaaji Xuseen

0
1165

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta waxaa uu ka qayb galay Aas qaran oo loo sameeyay Marxuum Suldaan Barre Xaaji Xuseen oo maanta lagu aasay Qubuuraha Masalaha ee duleedka Koonfur-galbeed ee magaalada Hargeysa.

Waxaa kale oo aaska marxuumka ka qayb galay xubno kala duwan oo ka tirsan xukuumadda, xildhibaanada baarlamaanka, madaxda xisbiyada qaranka, salaadiin, siyaasiyiin, aqoonyahan, culimaa udiin iyo dadweyne badan.

Marxuum Suldaan Barre Xaaji Xuseen, ayaa shalay ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala magaalada Hargeysa, oo loo dhigay xaalad caafimaad.

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka waramay taariikhdii Marxuum Suldaan Barre iyo halgankii uu ka soo qaatay dib u dhiska dalka, isagoona shacabka Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Suldaan.

Sidoo kale, waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay masuuliyiintii kala duwanaa ee ka kala socday Xukuumadda, asxaabta qaranka, baarlamaanka iyo Salaadiinta iyo siyaasiyiinta, ayaa iyaguna siyaabo kala duwan uga sheekeeyay shaqsiyadii iyo sooyaalkii taariikheed ee Marxuum Suldaan Barre Xaaji Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here