Hargeysa (Hargeisa Press)- War qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka, ayaa lagaga hadlay natiijada ka soo baxday doorashadii ka dhacday Somaliland ee uu ku guuleystay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdallaahi (Cirro).
Mareykanka, ayaa shaaca ka qaaday in doorashada ka dhacday Somaliland ay tusaale u tahay Geeska Afrika, wuxuuna boggaadiyay hoggaanka iyo shacabka Somaliland.
“Sooyaalka doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Somaliland iyo xil wareejinta sida nabad ah ku dhacda waxay tusaale u yihiin Gobolka Geeska Afrika iyo meelaha ka baxsan,” ayaa lagu yidhi qoraalka ay soo saartay Safaaradda Mareykanka.
Sidoo kale, Mareykanka ayaa guul u rajeeyay madaxweynaha cusub ee la doortay, wuxuuna ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.
Cabdiraxmaan Ciro oo shacabka Somaliland ay cod aqlabiyad ah ku doorteen, ayaa haatan Somaliland hoggaamin doona shanta sano ee soo socota.