Mareykanka oo Saldhig Milateri Ka Samaysanaya Somaliland

0
1278
Muuse Biixi iyo Joe Biden
Muuse Biixi iyo Joe Biden

New York (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in ay danaynayso in dowladda Mareykanka Saldhig Milateri ka siiso Magaalo xeebeedka Berbera si ay u isticmaalan dekada iyo Garoonka diyaaradaha oo ka mid ah kuwa ugu balaadhan dalalka bariga afrika.

Warbixin lagu daabacay Jariiradda Wall Streat Journal oo xarunteedu tahay magaalada New York ee dalka Mareykanka, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka dharagsan Walaaca dowladda Mareykanku ka qabto Isbalaadhinta Shiinaha ee mandaqadda Geeska Afrika uga faa’idaysan doono socdaal la filayo inuu dhawaan ku tago dalka Maraykanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliand, ayaa dhawaan sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu bisha March ee sannadkan safar shaqo ugu bixi doono dalka Mareykanka isla markaana uu kulamo kala duwan la qaadan doono masuuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Dr Ciise Keyd, ayaa markii u horeysay si daah-furan u sheegay in Somaliland diyaar u tahay inay Saldhig Milateri siiso dalka Mareykanka.

“Madaxweynuhu waxa uu si dhab ah  u soo dhawaynayaa joogitaanka Maraykanka iyo inuu ilaaliyo ammaanka marin-biyoodka,” sidaa waxa Wargeyska Wall Street Journal u sheegay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd, waxaanu intaas ku daray oo yidhi, “Mareykanku waa inuu qaado tallaabo degdeg ah oo la xidhiidha sidii uu Milaterigiisu u isticmaali lahaa Madaarka iyo dekeda Berbera”.

Wargeyska Wall Street, waxa kale oo uu warbixintiisa ku sheegay in dowlada Mareykanku wakhti badan Xoog iyo xoolaba ku bixinaysay sidii Soomaaliya u noqon lahayd waddan cagihiisa ku taagan, hasa-yeeshee uu xilligan niyad jab xoogan ka qaaday dib udhaca arimaha doorashooyinka, Muranka iyo isqabqabsiga Madaxda ugu sareysa dalkaas iyo Xiisadaha ka taagan dalalka Itoobiya iyo Suudaan oo keentay in dowladda Mareykanku xilligan dabacsaan xoogan u muujiso Somaliland oo warbixintu ku tilmaantay meel nabdoon oo ka nabad gashay qulqulatooyinka ka jira dalalka deriska la ah. kana hirgaleen doorashooyin dimuqraadiyada.

Xildhibaan Jim Risch oo ka mid ah Aqalka Odayaasha ee Baarlamaanka Maraykanka, kana mid ah Guddiga Xidhiidhka Arrimaha Dibeda, ayaa Wargeyska Wall Streat u sheegay in colaadaha iyo xasilooni darada ka jirta Geeska Afrika  uu muhiim ka dhigayo in Maraykanku la shaqeeyo Somaliland, waxaanu yidhi, “Xasilooni la’aanta sii socota ee Geeska Afrika iyo korodhka tartanka caalamiga ah ee loogu jiro kheyraadka dabiicigia ayaa ka dhigaysa mid aad muhiim u ah in aan la shaqeyno saaxiibada isku fikirka ah ee gobolka, sida Somaliland oo ay ka go’an tahay nabadda, dimuqraadiyadda, iyo Horumarku,” ayuu yidhi

Warbixinta Wargeyska Wall Street Journal oo aad u dheer, ayaa lagu sheegay in Somaliland ay 30kii sano ee u dambeeyey ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay dunida uga heli lahayd aqoonsi caalami ah, balse xilligan ay jiraan dedaallo dublomasiyeed oo madaxda Somaliland ka sameeyeen xidhiidhada arrimaha dibadda, isalmarkaana ay muuqato inay wax weyn iska beddeleen Dhaqdhaqaaqyada Aqoonsi-raadinta Somaliland oo xildhibaannada Barlamaanka UK dood saamayn badan ku yeelatay dunida ka yeesheen Qadiyada Aqoonsiga Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here