Malaayiin Falastiiniyiin ah oo salaadda Jimcihii u dambeeyay bisha Ramadaan ku tukaday masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.

0
243

QUDUS– Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee magaalada Qudus, ayaa shaacisay in 250,000 oo falastiiniyiin ah ay maanta jimcihii afaraad ahna kii ugu dambeeyay ee bisha Ramadaan ay ku tukadeen masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.

Tan iyo subaxnimadii hore ee maanta, kumannaan Falastiiniyiin ah ayaa ku soo qulqulayay magaalada, iyaga oo maraya bar-koontaroollada militari, halka ciidamada booliiska Israa’iilna la soo dhoobay waddooyinka gala Masjidka Al-Aqsa ee magaalada qadiimiga ah ee Quddus.

Wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa, ayaa sheegtay in booliska Israel ay xoojiyeen habraacooda bar-kantaroolka millateri ee ku yaalla tuulada Qalandia oo ku taalla daanta Galbeed, iyagoo xaddiday isu-socodka dadka, halka ragga da’adoodu ka hooseyso 55 ay kahor istaagayeen inay maraan kontaroolkaasi.

Israel waxay haweenka, nimanka da’adoodu kor u dhaafaysa 55 sano jir iyo carruurta da’adoodu ka hooseyso 12 sano jir u ogolaadeen inay soo gaaraan Quddus si ay u tukadaan salaadda Jimcaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here