Magacyada Dad Uu Gaadhi Xawaare Sare Ku Socday Ku Jiidhay Badhtamaha Hargeysa +Xaalada Caafimaad Ee Dadkaasi Iyo Wadihii Gaadhiga Oo Goobta Ka Baxsaday Markii Shilkani Dhacay + SAWIRRO

0
1499

Hargeysa,(HargeisaPress) —Galabta abaaro shantiii iyo badhkii galabnimo ayay aheyd markii gaaadhi noociisu yahay gawaadhida loo yaqaano Barado uu badhtamaha suuqa magaalada Hargeysa ku jiidhay shan qof oo kamid ah bulshada caasimada Hargeysa.

Gaadhigan oo xawaare dheereeya ku soconayey ayaa dadkani ku jiidhay agagaarka istaanka ay ka baxaan basaska idaacaddu gaar ahaana afaafka hore ee Hotel Cartan oo ka soo horjeeda dhismaha Ina Faarax Joome.

Dadka gaadhigani jiidhay oo ay tiradoodu dhan tahay shan ruux ayaa waxa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan oo qaarkood ay culus yihiin,waxaana dadkaasi loola cararay dhanka cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo lagula tacaalayo xaalada caafimaad ee dadkaasi gaadhigu jiidhay.2

Gaadhigan ayaa markii uu dadkan jiidhay waxa uu darawalkii waday gaadhiga iyo gaadhigii waxyeelada gaystayba ay ka baxsadeen goobtii shilku ka dhacay.

Hadaba si aanu wax uga ogaano xaalada ay dadkani ku sugan yihiin ayaa waxa aanu bookhaney cisbitaalka magaalada Hargeysa oo la geeyey dadkan uu gaadhigu jiidhay , waxaanay indhaheygu qabteen saddex qof oo laba ka mid ah ay xaaladoodu adag tahay, oo uu midi koomo ku jiray.

Ciidanka nabad-galiyada wadooyinka oo waday baadhitaanka waxyeelada dadkani soo gaadhay ayaa mar aanu wax ka waydiinay in la qabtay gaadhigii dhibtan gaystay  waxa ay noo xaqiijiyeen in gaadhiga iyo darawalkii watayba ay goobta ka baxsadeen,balse ciidamadu markii danbe ay kusoo qabteen agagaarka saldhiga Iftin.

3

Waxaana wadihii gaadhigan dhaawaca gaystay loo soo dhaadhiciyey saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa sida uu noo sheegay mid kamida ciidanka booliska oo cusbitaalka ku sugnaa.

Iid Maxamed Ismaaciil (Dhiciwaaye) oo kamid ahaa dadkii dhaawacyadu soo gaadheen ee uu jiidhay gaadhigan ayaa waxa uu nooga waramay sida wax u dhaceen iyo dhaawaca uu isagu qabo waxaana uu yidhi

“Gaadhigani waxaa uu ku socday xawaare dheereeya,waxaana u dallacnaa muraayadaha, aniga oo hortaagan makhaayad ka soo horjeeda koleygan Gaafane ayuu gaadhi kale dusha iga saaray oo waxa aan wax weyn ka qabaa dhabarka, hase ahaate xaaladayda caafimaad imika waa ay wanaagsan tahay alxamdullilaah”sidaas ayuu yidhi Iid Maxamed Ismaaciil.

Magacyada dadkan dhaawacu soo gaadheen ee uu jiidhay gaadhigu isla markaana xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo cusbitaalka guud ee magaalada hargeysa ayaa waxa ay kala yihiin

  • Agaasimaha waaxda xisaabaadka ee baanka dhexe Somaliland Maxamed Ismaaciil
  • Cabdilaahi Maxamed Gaamuute oo ah oday da ahaan 40 sano jira
  • 3) Iid Maxamed Ismaaciil Iid (Dhiciwaaye)

Gabagabadiina gaadiidka xawaaraha sare ku dhex socda gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxa ay badanaa sababaan khasaare kala duwan oo naf iyo maalba leh.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here