“Madaxweynuhu Dareenkayga, Saaxiibtinimadayadii Iyo Wixii Aanu Isla Soo Maray Midnaba Ma Qiimayn ” Cabdicasiis Samaale

0
909

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa sababeeyay diid-madiisa Xilka wasaaradda Waxbarashada ee loo magacaabay Habeen hore, waxaanu sheegay in Madaxweynuhu aanu arrintaas ka talo galin sidoo kalena uu dareensan yahay inay jiraan wax Qarsoon oo Madaxweynuhu insha Allah Ogaan doono.

Ugu horayn waxa uu Wasiirku muujiyay diidmadiisa Xilkan “Wallaahi Madaxweynuhu Wuu Mahadsan yahay, Xilkaasna ma aqbalin,mana aqbalayo, diyaarna uma ahi inaan xil dambe ka qabto Xukumadda Madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Siilaanyo, waanu mahadsan yahay arrintaasina arrin aan aqbalyo ama xil aan qabanayo maaha”

Wasiirka hore ee Maaliyaddu Oo VOA-da la hadlay waxa uu sheegay inay Madaxweynaha isku Ogaayeen dareen kalgacal iyo wanaag marnaba aanay isla soo qaadin in wasaaradda Maaliyadda laga qaado “Runtii, Wefti Wasaaradda Maaliyadda ah oo Agaasimaha guud iyo afar agaasime waaxeed ah ayaanu ugu maqnayn Gobolada dalka, Madaxweynaha waan u sheegay waanan ka wada soconay safarkaas, habeen ka hor intii hawshani dhacaysay(Isku Shaandhaynta),waan u sheegay inaanu safarkii Laascaanood ka soo noqonay Burca-na ku sugannahay, Sabtidana u kicitimi doono Ceerigaabo, sidaas baanu Madaxweynuhu ula socday Safarkayaga, Kalgacal iyo wanaag baanu isku Ogayn,si lama filaana ayaanay arrintani u dhacday, Markaas qofka xilka waa laga qaadi karaa qof kalena waa loo dhiibi karaa laakiin, in la tixi galiyo qofka dareenkiisa, in la tix galiyo qofka rabitaankiisa iyo sida uu u arkayo, markaa arrintaasi waxaan u arkayaa inaan Madaxweynuhu Dareenkayga, Saaxiibtinimadayadii iyo wixii aanu isla soo maray midnaba qiimayn, dareenkuna maaha wasaaraddaha kala duwan oo farqi uma dhexeeyo, waxaanan jecelahay inaanan xilkaas qaban Wasaaradda Maaliyaddana dhakhso ugu wareejiyo, waxa qaloocdayna uu Madaxweynuhu Insha Allah Ogaan doono” ayuu yidhi Samaale.

Cabdicasiis Samaale waxa uu ka hadlay hankiisa siyaasadeed iyo xidhiidhka isaga iyo Madaxweynaha “Runtii Madaxweynaha imikaba waanu isku dhawnahay, waxaanse imika arkayaa inay wax qarsooni oo soo bixi doonaa hadda jiraan, annigase Madaxweynuhu waa Madaxweyn-nahaygii Dareenkii iyo walaaltinimadii naga dhexaysayna waa sidoodii, waxaanan u hayaa Kalgacal wayn.

Sidii hore iyo si ka saraysa ayuu Mawqifkayga siyaasadeed yahay, mawqifkan aan qaatayna waxaan aaminsanahay inuu wax tari doono halkii aan lahaa, dareenkayguna sidii iyo si ka wanaagsan weeye” ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale

Cabdicasiis Maxamed Samaale, ma sheegin inuu ka sii mid ahaan doono Xisbiga Kulmiye ee uu Halganka kula soo galay Madaxweyne Siilaanyo,sidoo kalena hadda uu ka lahaa inuu Musharax Madaxweyne ka noqdo. Arrinta Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Maaliyadda soo kale dhexgashay ayaa keeni karta khilaaf iyo xafiiltan siyaasadeed iyadoo la ogyahay in Wasiiro badan oo hore uga tirsanaa Xukumadda Siilaanyo hadda Mucaarad yihiin.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here