Madaxweynihii Labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed Somalia oo la doortay

0
1364
Madaxweynaha cusub Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-Gareen

Baydhabo, (HargeisaPress) — Waxaa soo dhamaaday wareegii koowaad doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo uu ku guuleystay Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-Gareen oo helay codadka ugu badan xildhibaannada Baarlamaanka.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee codadka dhiibtay ayaa ahaa 147-Xildhibaan, waxaana doorashada wareega koobaad Musharaxii hela sadex meelood meel ku guuleesanayay doorashada , waxaa jiray codad badan oo halaabay.

Xildhibaan Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa haley codadkii la dhiibatay 101 cod helay, halka musharaxa ku soo xigay oo ahaa Aadan Saransoor 22 cod, halka musharixiinta kale , Ibraahim Macalin Nuuroow ,  Sayid Axmed Sheekh Daahir 4 cod, Xusseen Cismaan Xusseen oo helay 2 cod.

Guusha Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa horeyba loo sii saadaalinayay waxaana maalmihii ugu danbeeyayba jiray tuhun la xiriiray in dowladda Soomaaliya taageero mug leh siineyso Cabdicasiis Lafta-Gareen oo maanta ugu danbeyntii noqday madaxweynaha labaad maamulka Koonfur Galbeed.

Mar walba wixii warar ah ee ka soo kordha doorashada kala soco HargeisaPress

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here