Madaxweyne Xigeenka Somaliland Oo Daahfuray Adeegga E-Dahab Oo Shirkadda Somtel Hirgalisay iyo Weedhaha Munaasibada Laga Yidhi + SAWIRRO

0
1020

Hargeysa, (HargeisaPress) — Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Somtel, ayaa maanta Daahfurtay Adeegga E-Dahab oo ah habka Lacagta loogu qaato Mobile-ka gacanta ama la iskugu diro.

Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Hotel-ka Guuleed ee Hargeysa waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cadbiramaan Cabdillaahi Ismaaaciil (Saylici),Maareeyaha shirkadda Dahabshiil, maamule ku xigeenka Shirkadda Dahabhsiil, wasiirka maaliyadda,wasiirka duulista iyo hawda, gudoomiyaha baanka dhexe somaliland , gudoomiyaha rugta ganacsiga ,agaasimaha adeedga e-dahab ee somtel, madax ka  socota shirkada dahabshiil group  iyo masuulyiin kale iyo bahda dhaqanka.

DSC00355

Siciid Maxamed Siciid Ducaale, oo ka mid ah Madaxda sare ee Shirkadda Somtel, ayaa ku dheeraaday heerka Somaliland oo dal curdina ahi ka gaadhay Isgaadhsiinta Casriga ah, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “Waxaynu kaga jirnaa xaga technogy-da dalalka ugu horeeya, waliba inaga oo ah dal faqiir ah. adeegga 4G  waxaynu nahay dalkii afraad ee africa laga fuliyey, taas oo ay shirkadda Somtel fulisay,  waxaanan idiin leeyahay  waad ku mahad san tihiin ka soo qeyb   galka xaflada daah furka adeega cusub ee E-Dahab “

Madaxa Adeegga E-Dahab ee Somtel Fu,aad Axmed Nuux, ayaa sheegay in adeeggan oo muddo kooban shaqaynayay ay is diwaan galiyeen Boqol kun oo qof(100,000).waxa uu sheegay in haatan laga heli karo addeegan guud ahaan Gobolada iyo degmooyinka dalka.

Cabdi Dirir Cabdi,Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland ayaa isna madashaasi ka sheegay inuu si weyn u soo dhaweynayo Addeeggan “Haddaanu nahay  bahdii banka dhexe ee somaliland, waxaanu aad iyo aad ugu faraxsannahay in Dahabshiil Group uu maanta halkan ku soo bandhigayo adeeg had iyo goor fudeynaya sida lacagta  loo qaato kaasina waa adeeg ku soo kordhey adeegyada baananka somaliland.  waxaan leeyahay waa adeeg aad loogu baahnaa isla markaana sahlaya sidii bulshadu  lacagta u kala qaadan laheyd anaguna hadii aanu nahay banka dhexe somaliland aad iyo aad baanu u soo dhaweynaynaa” ayuu yidhi Gudoomiye Cabdi Dirir.

1(309).jpg

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa isna majeertay Adeeggan E-Dahab ee Somtel soo kordhisay ““Runtii  marka  koowaad shirkada Dahabshiil Group  madaxdeeda iyo hawl wadeenadeeda aad baan ugu mahad  naqayaa hawlaha balaadhan ee ay dalka u hayaan  ee uu ka midka yahay mashruucan cusub ee E-Dahab oo aanu ilahay uga baryayno in Illaahay ku guuleeyo sidii kuwii hore ee ay wadeenba ugu guuleysteen.” Ayuu yidhi Wasiir Samaale.

Ugu dambeyntiina Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici oo soo gabogabeeyay Munaasibada ayaa horumar hor leh ku tilmaamay adeegga E-Dahab, waxaanu yidhi “Runtii adeegyadani iyo horumarka balaadhan ee ay sameynayaan ganacsiga gaarka loo leeyahay waxaa uu qeyb ka yahay horumarka somaliland iyo sidoo kale iibinta somaliland oo aynu rabno in aynu noqono dal ka mid noqda dalalka dunida ka jira. waxeynu nahay dal curdin ah oo hiigsanaya in qaramada caalamka ka mid  noqdo  taasina waxaa aynu ku gaadheyna inaga oo gacmaha is qabsana shirkadan Dahabshiil Group-na waa mid dalka wax weyn u qabatay  waxaanan leeyahay ilaahay ha idinka abaal mariyo “

Ugu dambeyntiina Madaxweyne xigeenka ayaa Xadhiga ka jaray Adeeggan iyo Daarta Xarunta u ah oo iyana hadda la dhamaystiray kuna taala ka soo horjeedka Saldhiga dhexe ee Hargeysa.

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here