Madaxweyne Silaanyo iyo weftigii uu hogaaminaayey ee socdaalka ku maraayey gobolada bari oo si weyn loogu soo dhaweeyey Ceel-afweyn + SAWIRRO

0
1150

Ceel-afweyn, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii uu hogaaminaayey ee socdaalka ku maraayey gobolada bari ayaa saaka subaxnimadii u kolanyeystay jidka dheer ee isku xidha Burco ilaa Ceerigaabo oo mudadii uu madaxweynuhu dhagaxa dhigay ugu hadal haynta badnaa Somaliland, carabkana ay ku badnayd sidii uu u hirgeli lahaa dhismihiisu balse wajigii koowaad uu madaxweynihii dhagaxa dhigay xawl aad u balaadhani ka socoto lana hirgeliyey qaybo muhiima sida aad sawiradan hoose ka muuqda.

_DSC0078 3

weftiga madaxweynuhu markii ay soo gaadheen ina-afmadoobe oo ahayd halkii laga bilaabay wadada ceerigaabo ayey kolanyadii baabuurtu cagta saartay markii ugu horaysay waddo laamiya oo madaxweyne u safraya ceerigaabo uu maro, nasiib wanaag wadadan oo noqotay midii uu madaxweyne silaanyo dhagaxa dhigay isla maantana uu wejigii u horeeyey isagu cagta saaray indhahana uu ka soo qaaday halka ay wax marinayaan gudida wada ceerigaabo uu u xilsaaray oo iyagu noqotay gudi xilkooda ka soo baxay waxna u wada sidii loogu talogalay balse aan weli dhamaystirin jidkaas haseyeeshe ay ka muuqato dedaal iyo kartidii ay ku dhamaystiri lahaayeen.

_DSC0078 79

safarkan ayaa ahaa mid madaxweynuhu shacbiga somaliland ee sida hagar la’aanta ah uga qaybqaatay iskuna hawlay inay somaliland keligeed isu tashan karto gacmahana is qabsankaraan oo ay hirgelin karaan mashaariico waa weyn oo ay bilaw u noqotay wadada ceerigaabo ee uu madaxweynuhu maanta cagta saaray isagoo dul lugeeyey laamiyada iyo caro kaawaha la dhigay laguna hirgeliyey 150KM oo bar bilaw wanaagsan u ah dhismaha wadada ceerigaabo ee shacbigu u dhegtaagayey inay mar uun maqlaan wadadaas oo hirgasha mudooyinkii u danbeeyeyna carabka lagu xoojinaayey mucaarad iyo muxaafidba.

_DSC0078 3 0

Madaxweynuhu intii uu ku guda jiray Safarkiisan shaqo waxa uu soo dhawayn aad u balaadhan kala kulmay shacbiga ku dhaqan jiidaha u dhexeeya burco ilaa Ceel-afweyn oo uu caawa ku hayday, iyadoo weftiga madaxweynuhu hogaaminayaa tuulo kasta ama degmo kasta uu u istaagayey shacbigii ku sugnaa wadooyinka ee u heelanaa aragtida madaxweynahooda qaranka, iyada oo xiiso gaara ay ugu sii hayeen waxqabadka muuqda ee uu ka muujiyey guud ahaan dalka, gaar ahaana Wadada ceerigaabo oo shacbigaasi dhib weyn iyo rafaad ay ku qabeen haseyeeshe ay gashay hada ididiilo weyni markii ay arkeen bar bilawga wadada oo si wacan u socda,

_DSC0078

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu is dultaagay oo u kormeer ku tegay guud ahaan goobaha fadhiisimada u ah ama kalasharadu ay ka shaqaynayaan ee ay gacanta ku hayaan shirkadaha qandaraaska wadadan ku guulaystay, isaga oo madaxweynuhu dhiirigeliyey shaqaalaha iyo masuuliyiinta mudooyinka ugu dib jiray sidii walaalahooda go’doonka ku ah gobolka inagu qaaliga ah ee sanaag oo sida la ogsoon yahay gobolada dalka uga hadhay wado la’aan.

_DSC008 7

Madaxweynuhu waxa uu intii lagu guda jiray socdaalka uu shacbigii soo dhaweeyey iyo goobaha shaqadu ka socotay u jeediyey hadalo dhaxal gal ah oo u badnaa dardaaranka wadada iyo sidii aan looga caajisi lahayn hirgelintiisa, waana ta socdaalka madaxweynuhu ku salaysnayd, waxaana xusid mudan in degmada gar-adag ay madaxweynaha somaliland ku maamuustay gudoonsiisayna Geenyo lamaan oo hada dhashay iyagoo ku sababeeyey degaanku maamuus madaxweynaha ay u hayeen balse ay shahaado u diyaarin lahaayeen, haseyeeshe ay dalka intiisa kale u daayeen shahaadooyinka bedelkeediina ay ka dhigteen geenyadan lamaan.

_DSC0078 7

ugu danbayn madaxweynuhu waxa uu caawa ku sugan yahay degmada ceel-afweyn oo la filaayo inuu bari halkaasi ka sii anba qaado socdaalkiisa la xidhiidha hirgelinta iyo taabo gelinta jidka ceerigaabo iyo gobolada dalka isku xidhi doona oo hawlihiisa ugu badani ay ka hirgashay ceel afweyn ilaa ceerigaabo.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here