Hurmuudada Kuliyahadaha Sayniska Iyo Ganacsiga Ee Jaamacada Hargeysa Oo Ka Hadley Khilaafka Jamacadaasi Eedeena Tusha U Saaray Gudoomiyaha Iyo Boodhka Jaamacada

0
930

Hargeysa, (HargeisaPress) — Prof Axmed Maxamed Cadaad, oo ah hormuudka Kulliyadda Sayniska ee jaamacadda Hargeysa iyo Prof. Keyse Cali Geeddi, oo ah hormuudka Kulliyadda Ganacsiga iyo dhaqaalaha ayaa sheegay in khilaafka Jaamacadda Hargeysa ay masuul ka yihiin guddoomiyaha Jaamacadda Prof. Cabdi Xuseen Gaas iyo Wasiirka qorshaynta qaranka Dr Sacad Cali Shire oo ah guddoomiyaha guddida sare ee Jaamacadda.

Labada Bare ayaa ku dooday in masuuliyiintaasi jaamacadda kula jiraan qabyaalad, musuqmaasuq iyo nin jeclaysi islamarkaana diideen dhexdhexaadino loo sameeyay labada dhinac.

Khilaaf soo jiitamayay tan iyo sanadkii hore ayaa u dhexeeya Guddoomiyaha jaamacadda iyo kuxigeenkiisa oo isku dhinac ah iyo hormuudka Kulliyadda Sayniska Prof. Cadaad iyo hormuudka Kulliyadda Dhaqaalaha iyo ganacsiga Keyse Cali Geeddi oo isku dhinac ah.

 

Prof. Axmed Maxamed Cadaad ayaa sharaxay halka uu ka bilawday khilaafka Jaamacadda Hargeysa “Khilaafkan waxaa sal u ah guddida jaamacadda Hargeysa. Waxa kale oo sal u ah guddoomiyaha jaamacadda Hargeysa, labadaas oo iskaashaday ayaa u sal ah, sababihiina waanu sheegaynaa. Saddex sannadood ka hor markii la magacaabay guddoomiyaha Jaamacadda Mr Gaas, muddo markuu joogay waxaanu ku eedaynay 5 qodob kuwaas oo kala ah:-

  1. Gaas oo ku tunta sharciga jaamacadda;
  2. Hab-dhaqankiisa hogaamineed oo xun;
  3. Qabyaalad;
  4. Lacag badan oo uu si khaldan u musuqmaasuqay iyo
  5. Isagoo had iyo jeer shaqaalaha kula dhaqma tahdiid iyo gacan ka hadal.

Shantaas qodob ee muhiimka ah, dabeed waxaa arrintaan nala qaatay oo yidhi waanu galaynaa Guddida sare ee jaamacadda Hargeysa(Board), kadib afartii qodob ee kale may qaadan ee qodobkii kaliya ee Lacagta ayuu Sacad Cali Shire  qaatay oo yidhi Odhit baanu u saaraynaa oo waanu daba galaynaa,”.

 

Prof Cadaad oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in arrinta ay ku eedeeyeen maamulka jaamacadda uu Sacad Cali Shire kula jiro, dabigana qayb leeyahay “ Sacad Cali Shire waxaa haysta gabaygii ahaa “Nin dawee la leeyahay dambi uu badh leeyahay, xaqa doon la leeyahay, daaraanta mililka leh  inuu daaro ma ogola”, Sacad Cali Shire iyo Gaas xaqiiqada dhabta ah ee maalliyadda jaamacadda in la helo ma ogola,sidaas darteed way diideen go’aammadii guddiyaddii noo gar qaaday ee Ambasador nagula shiray waxay soo saareen” ayuu yidhi Cadaad.

Prof. Cadaad oo sii hadlaya ayaa sheegay in Dr Sacad Cali Shire diiday dhexdhexaadin ay sameeyeen Cuqaal, Salaadiin iyo Culimo awdiin “ Sacad Cali Shire waxa uu ku taageersan yahay Gaas qabyaaladda uu Jaamacadda ka wado, musuqmaasuqa jaamacadda ragaadiyay ayuu gaas ku taageersan yahay,hab-dhaqanka xun een loo baahnayn ee Gaas wado ayuu ku taageersan yahay, waa gardarro garab og”.

Mudane Cadaad oo sii hadlaya ayaa wacad ku maray inay jaamacadda tagayaan dibna u bilaabayaan hawlahooda shaqo “Waxa aanu ku taagannahay, oo aanu leenahay, anagu muddo badan ayaanu samraynay, maanta waxay taagan tahay mar haddii Xallintii khilaafka ee madaxweynuhu madaxweyne xigeenka u igmaday ee Madaxweyne xigeenkuna laba digreeto ka soo saaray Wasiir Sacad diiday, anaguna Wasiir Sacad go’aamadiisa yeeli mayno, jaamacaddiina waanu ku noqonaynaa, waanu tagaynaa waa go’aan cad ee umaddu ha ogaato. Anagu qabyaalad ma wadno, umadda ayaanu adeer wax barnaa, umad baanu soo saarnay, waxa weeye kuwa daantan iyo kuwa daantan iyo kuwa Burco jooga iyo kuwa galbeed iyo bari joogaba Macalimiin baanu u nahay oo cid aanan wax barini ma jirto laakiin, cid baa qabyaalad ku shaqaynaysa,” ayuu yidhi Mr Cadaad.

 

Prof. Keyse Cali Geeddi ayaa isna sheegay inay aqbalayeen go’aan kasta oo cidii dhexdhexaadisaa soo saarto “Anagu go’aan walba oo soo baxa oo lagu taliyo waanu yeelnay,markaa anagu fidmo wadayaal ma nihin ee dadka fidmada wadaa waa kuwa go’aamadii dawladda diiday ee kuwii cuqaasha diiday,kaas ayaa fidmo wada yaal ah ee anagu mar walba waxbaanu dejinaynay, waxbaanu xeerinaynay, waxaanu ognahay in tani jaamacaddii qaranka tahay, markaa ninkii go’aammadii soo baxay diiday ayaa fidmo wada,”  ayuu yidhi Prof-ku.

Mudane Keyse waxa uu sheegay in cida fidmada wadaa tahay cida diiday go’aammadii lagu dhexdhexaadiyay islamarkaana doonaysa inay reernimo iyo xoog ku haysato maamulka jaamacadda.

 

Jaamacadda Hargeysa oo sabtidii la soo dhaafay rabshadi ka dhacday ayaa ilaa hadda u xidhan khilaaf ragaadiyay hogaankeeda, iyadoo dhacdooyin ka dhacayna sawir xun ka bixiyeen jaamacadda ugu weyn wadanka ee Hargeysa.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here