Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay In Qaddiyada Somailand Ay Dhiiri Galinayaan Wadamo Yurub Ah Oo Xornimo Doon ah

0
928

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caddeeyey in dhaqdhaqaaqyada xornimo-doonka ah ee ka curtay dalal qaaradda Yurub ka mid ah ay rajo geliyeen madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somalilad.

Madaxweyne Siilaanyo oo waraysi khaas ah siiyey wargeyska The Guardian ee ka soo baxa Ingiriiska ka hor intii aannu Hargeysa ku soo laaban shalay, waxa uu sheegay in ololaha madaxbannaanida ee ay bilaabeen dadweynaha ku dhaqan degaannada Scotland iyo Catalonia oo doonaya inay kaga go’aan waddamada Ingiriiska iyo Spain ee qaaradda Yurub ay rajo xooggan ku beereen madaxbannaanida iyo aqoonsi-raadinta Somaliland oo muddo 23 sanno ah gooni uga taagnayd Soomaaliya.

“Dal kale ayaa jira oo raadinaya madaxbannaani, kuwaasoo ay ka mid yihiin Scotland iyo Catalonia, arrintaasina waa mid rajo fiican noo leh, annaguna waxaannu haynnaa dariiqyada aannu ku raadinayno madaxbannaanidayada. Waxa kaloo dhiirrigelin noo ah codayntii baarlamaanka Ingiriisku ku aqoonsadeen in dalka Falastiin yahay waddan jira bishan October, arrimahaas oo dhanna waa qaar na dhiirrigelinaya,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha ayaa waraysigiisa oo Wargeyska Jamhuuriya qaybo ka mid ah soo qaatay, waxa kaloo uu ku sheegay in kobcinta maalgashiga tamarta iyo wax-soo-saarka Somaliland ay kor u qaadi karaan dhaqaalaha dalka, isla markaana taageero ka geysan kara madaxbannaanida Somaliland.

“Kobcinta dhaqaalaha iyo ganacsigu waxay muhiim u yihiin qarannimada Somaliland raadinayso, waxana dhab ah in horumarinta dhaqaalaha iyo aqoonsiga Somaliland yihiin laba shay oo aad isugu xidhan, markaa aqoonsigu wax macne ah samayn maayo haddii aan la horumarin dhaqaalaha Somaliland, dalkayaguna wuu u qalmaa in aqoonsi buuxa la siiyo, kaasoo aannu muddo dheer sugaynnay.”

Faallo dheer oo The Guardian ku ladhay waraysiga Madaxweyne, waxa  wargeysku tilmaamay in Somaliland aanay weli wax aqoonsi ah ka helin adduunka, beesha caalamkuna u aqoonsan tahay inuu yahay gobol ka mid ah dalka Soomaaliya oo muddo ka badan 20 sanno ka soo kaban la’ dagaallo sokeeyo iyo burburka dawladnimadiisii ku dhacay illaa sannadkii 1991-kii,  balse ilaa muddadaas Somaliland oo hore u ahayd maxmiyad hoos tagta Boqortooyada Ingiriiska (oo xornimada qaatay 26 June 1960-kii) ay muddo ka badan 20 sanno ah tahay dal nabadgelyo ahaan iyo ammaan ahaanba xasilloon, isla markaana hodan ku ah khayraadka shidaalka iyo macdano aan weli la soo saarin.

Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayey ayaa magaalada London kaga qaybgalay toddobaadkii hore shirka horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland, kaasoo ay iska kaashadeen dawladaha Ingiriiska iyo Somaliland, halkaasoo ay kula kulmeen wasiirro ka tirsan Boqortooyada UK iyo shirkado waaweyn oo ka shaqeeya arrimaha maalgashiga.

Dawladda Ingiriiska oo martigelisay shirar ay ku wadahadleen Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa ilaa hadda ka cago-jiidaysa inay taageerto aqoonsi-raadinta Somaliland, isagoo Afhayeen u hadlay Xafiiska Arrimaha Dibadda ee UK uu caddeeyey aragtidooda aqoonsigaas.

“Doorka dawladda UK waxa uu yahay in Somaliland iyo Soomaaliya xal ka gaadhaan qaddiyadda Somaliland, waana in dalalka ku yaal gobolku hormuud ka noqdaan aqoonsiga waxa ay Somaliland iyo Soomaaliya isla meel-dhigaan mustaqbalka,” ayuu yidhi Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska oo u warramay wargeyska The Guardian.

Haseyeeshee, go’aankii Somaliland ku diidday ka qaybgalka shir arrimaha Soomaaliga lagaga hadlay oo magaalada London ka dhacay sannadkii hore, ayaa sababay in cilaaqaadka diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo Ingiriiska dhaawac gaadho, waxaannu Madaxweyne Siilaanyo tilmaamay in aanay ka qaybgeli doonin shir kasta oo meel-ka-dhac ku ah qarannimada Somaliland.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu waraysigaas ku sheegay in dhaqaalaha Somaliland ku tiirsan yahay xoolaha nool oo loo dhoofiyo dalka Sucuudiga iyo dalalka kale ee Carabta, “Waxa aannu si aad ah ugu tiirsanahay dhoofinta xoolaha nool, laakiin waxa aannu doonaynaa in aannu horumarino khayraadka kale ee kalluumaysigu ka mid yahay, sababtoo ah waxaannu leenahay xeeb aad u dheer iyo sidoo kale khayraad macdanta ah,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here