Gabiley Maalinta Gudomiye Shucayb Iyo Xoghayihiisa Musuqa Ku Saaxiibay Xilka Laga Tuuro Uunbay Magaalooyinka Kale La Mid Noqonaysaa . W.Q. C/Najiib Nuur Ismaaciil .

0
1067

Waxa Aan Marka Hore Salaanta Islaamka Ku Salaamayaa Dhamaan Warbaahinta Somaliland Ee Ka Qayb Qaadanaysa In Ay Baahiyaan Maqaalkaygan , Waxa Kale Oo Aan Aad Ugu Mahadnaqayaa Dhamaan Bulshaweynta Reer Somaliland Ee Akhrisanaysa Maqaalkaygan Oo Aan Leeyahay Bal Hada Ila Eega Dhaliilahan Iyo Tacadiyadan Aan Soo Bandhigayo Ee Maamulka Dawlada Hoose Ee Gabiley Ku Hayaan Bulshadii Soo Dooratay Sida Ay Idinla Yihiin Qiimeeya .

Waxaa Jiray In Waayadan U Danbaysay Bulshada Reer Gabiley Ay Ka Cabanayeen Maamul Xumo Ragaadisay Marka Laga Soo Bilaabo Badhasaabka Gobolka Gabiley , Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley , Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Iyo Gudoomiyaha Baanka Somaliland Laantiisa Gabiley Oo La Odhan Karo Dhamaantood Waxa Ay Ku Heshiiyeen Musuqmaasuq Xad Dhaaf Ah Oo Ay Cunayaan Lacagtii Masaakiinta Danyarta Ah Ee Ay Xilka U Hayeen .

Ugu Horayn Aan Ku Bilaabo Wax Qabad La’aantaa Dhinaca Hor’u Marka Ee Gudaha Magaalada Gabiley Iyo Research Aan Ku Sameeyay Intii Golahani Deegaanku Jiray Waxyaabaha Laga Qabtay Magaalada Gabiley Ee Dhinaca Hor’umarka Gaar Ahaan Kuwa Ay Fuliyeen Dawlada Dhexe Ee Somaliland ,Dawlada Hoose Ee Gabiley , Ganacsatada Iyo Hay’aduhu .

1: Afar Wado Oo Laamay Ah Oo Gaagaaban Una Dhiganta 3.5 Km Oo Lagu Fuliyay Mashruuca JBLJ Ee Ay Bixiso Hay’ada USAID .

2: Laba Sariimadood Oo Mid Dhismaheedu Socdo Midna Dayactir Ahayd Oo Uu Dhamaaday Oo Iyaguna Ahaa Mashruuca JBLG .

3: Dhakhtarka Dhimirka Oo Ay Dhiseen Ururka Ganacsatada Reer Gabiley Ee Samakaal .

4 : Dayrka Jaamacada Timacade Ee Gabiley Oo Ay Dhiseen Ururka Haweenka Qurbajoogta Reer Gabiley Ee Al-khayriya .

5: Hoolka Jaamacada Timacade Oo Dhismihiisu Socdo Oo Ay Dhisayaan Ururka Samo Kaal .

6: DHamaystirka Guriga MArtida Oo Ay Bixisay Dawlada Hoose Ee Gabiley .

7 : Dhismaha Wasaarada Maaliyada Ee Gobolka Gabiley Oo Ay Dhistay Dawlada Dhexe .

8 : Dhismaha Xafiiska Badhasaabka Gabiley Oo Ay Dhistay Dawlada Dhexe .

9 : Dhismaha Xafiiska Wasaarada Waxbarashada Oo Ay Dhistay Dawlada Dhexe .

 

Hadaba Marka Laga Tago Wax Qabadkaa Kaliya Ee Ay Dawlada Hoose Ee Gabiley Fulisay Oo Ah Hal Mashruc Wax Kale Kama Aysan Qaban Gudaha Magaalada Gabiley Ee Ay U Shaqayso , Hadaba Su’aasha Meesha Taalaa Waxa Weeji Maxaa Wax Looga Qaban Waayay Dakhligii Badnaa Ee Magaalada Soo Galayay Oo AH Maalintii 40,000,000 SL SH (40 MILYAN) Una Dhiganta 5,700 $ Maalintii Iyada Oo Aanay Waliba Ku Jirin Dakhliga Cashuuraha Bariga Iyo Waliba Cashuuraha Maalinlaha Ah Ee Ay Tahay Oo Kaliya Qaybta Ka Soo Gasha Kastamka Cashuuraha Kalabaydh , Oo Ka Dhigaya Magaalada Labaad Ee Ugu Dakhliga Badan Leh Somaliland Hadana Ugu Wax Qabadka Yarle , Waxaana Ka Dakhli Badan Oo Kaliya Somaliland Magaalada Berbera Oo Ay Ku Taalo Dekada Caalamiga Ah EE Wax Laga Dhoofsado Waxna Lagala Soo Dago .

Hadaba Marka Aynu Halkaa Marayno Aan Is Waydiino Dakhligaasi Intaas Leeg Halkee Ayuu Maraa Ilayn Gabiley Waxba Looguma Qabtee ? Dakhligaasi Waxa Uu Ku Dhacaa Jeebado Gaar Ah Ay Kow Ka Yihiin Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X.Xasan ,Wasiirka Wasaarada Maaliyada C/Casiis Muxumed Samaale, Wasiirka Warshadaha Abiib Diiriye Nuur (ABIIB-TIMACAD) , Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige (BLACKI) Oo Ah Sadexda Nin Ee Hortaagan Wax Qabadka Gobolka Gabiley Isla Markaana Ku Tagri Fala Hantida Danyarta Reer Gabiley Ee Waliba Fooqyada Kaga Dhistay Magaalada HArgaysa .

Dakhliga Intaasi Ka Soo Hadhaa Badh Wuxuu Ku Dhacaa Jeebada Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Shiine Oo Ay Iskaga Laaluuushaan Maamulka Dawlada Hoose Ee Gabiley Dhawaana Ay Gaadhi U Soo Iibiyeen Maayarka Gabiley Iyo Xoghayihiisu Si Aanu Ugu Dacweyn Xukuumada Dhexe Oo Ay Nimcooyinkooda Uun Iskaga Wada Jaqaan , Waxaa Kale Oo Ka Mida Safaro Dalxiisa Oo Lacagta Danyarta Lagu Burburiyo Oo Uu Maayarku Ku Tago Wadamada Yurub Isagoo Bilaa Passport Ah Isla Markaasna Ku Kharash Gareeyo Lacago Xad Dhaaf Ah Oo Cid Kala Xisaabtanta Lahayn Waana Mid Ka Mida Nasiib Darooyinka Haysta Magaalda Gabiley .

DHanka Kale Badhasaabka Gobolka Gabiley Ayaa Isagu Markii Hore Ee Uu Magaalada Yimid Dar-Dar Ku Soo Galay Shaqada Wixii Intaa Ka Danbeeyayna Iskala Qabsaday Musqmaasuqii Gabiley Ka Jiray Isgoo SI Fiican Ugu Dhex Milmay Maamulka Dawlada Hoose , Waxa Kale Oo Aan La Arag BAdhasaabka Oo Maalin Kaliya Soo Kor Meeraya Xafiisyada Dawlada Ee Gabiley SIda Dawlada Hoose Ee Gabiley , Xafiisyada WAsaaradaha Ee Gabiley Iyo Dhamaan Xarumaha Dawlada .

Waxa Kale Oo Musuq Maasuqaasi Aanu Kor Ku Soo Door Weyn Ka Ciyaara Gudoomiyaha Baanka Gabiley Oo Isaga La Odhan Karo Waa Mas’uulka Kaliya Ee Musuqmaasuqa Ku Tababara Maamulka Gobolka Iyo Ka Degmada Gabiley , Iyadoo La Arko Isaga (Gudoomiyaha Baanka) Oo Amaahinaya Maamulka Dawlada Hoose Ee Gabiley Lacago Badan Oo Aan Sharci AHayn Kuna Dhiiri Galinaya Musuqmaasuqa Si Uu Intiisa Yar Uga Helo .

 

La Soco Qaybo Kale .

C/Najiib Nuur Ismaaciil

LEAVE A REPLY