Madaxweyne Siilaanyo oo Sheegay in Addis Ababa ay ku kulmeen Cali Khaliif Galeydh + SAWIRRO

0
1029

Hargeysa, (HargeisaPress) —Weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminaayey waxa jidadka iyo qasriga madaxtooyada ku soo dhaweeyey shacbiga qaybihiisa kala duwan iyo salaadiin, waxaanu madaxweynuhu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland iyo Ciidamada Banboyda oo tumayey muusiga qaranka Somaliland.

DSC_0121

“Wefti ballaaran oo aan hoggaaminayay waxaan booqasho rasmi ah ku tagnay Caasimadda Ethiopia, Addis Ababa 28/10/2016. Aniga iyo xubnihii wefdigayga, waxaannu la kulannay 29/10/2016, Raysal Wasaaraha Ethiopia, Mudane, Xayle-maryam Disalim iyo Madax kale oo Kulankan ku wehelisay. Kulankaan Saaxibtinnimo ee uu nagu marti-qaaday Ra’iisul wasaaruhu Wasaaruhu, wuxuu ahaa, mid qiimo badan oo si diiran oo qadarin leh naloogu soo dhaweeyay. Labadayada dhinac, waxaan is-aragaan ku qaadaa dhignay, arrimo badan,” ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlayay Qodobbadii ugu  muhiimsanaa kulanka isaga iyo Ra’isal wasaraha Itoobiya.

af

Madaxweynuhu wuxu sheegay  inay ka wada hadleen     Xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada dal, Adkaynta iyo ka-wada-shaqaynta nabadgelyada, guud ahaan mandaqadda, gaar ahaan xuduudaha ay wadaagaan labada waddan. Iskaashiga dhaqaalaha, siyaasadda, iyo arrimaha bulshada,  Dhiirri-gelinta ganacsiga, maalgashiga, iyo is-dhexgalka Shacabka Somaliland iyo Itoobiya,  Isticmaalka Dekedda Berbera iyo in ay ka qayb qaadato Dawladda Ethiopia dhismaha Jidka isku xidhka Wajaale iyo Berbera, Iskaashiga fidinta Koronto jaban iyo kordhinta Deeqaha Waxbarashada ee Somaliland, La dagaalanka qaxootiga sharci darada ah iyo argagixisada, Qabyo-tirka Heshiis lagu maareeynayo ganacsiga iyo badeecadaha iskaga gudbaya labada dal (Trade Agreement), kaas oo salka ku haya danaha iyo maslaxadda labada,  Iskaashiga ka hortagga abaaraha iyo biyo-yarida.

dd

ffd

DSC_0036

Ugu dambeyn, Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay kulan ay wada-yeesheen madaxweynaha khaatumo, waxaanu yidhi “ muddadii aannu ku sugnayn magaalada Addis Ababa, waxaanu la kulannay Madaxda Khaatumo oo uu hoggaaminayey, Dr. Cali Khaliif Galayr. Waxaanu kulankaa ku heshiinnay in la sii amba qaado wada-hadalladii labada dhinac ee hore la isula qaatay. Waxaannu ku heshiinay in 17/11/2016, wada-hadalkii ka dhaco Caasimadda dalka Ethiopia. Arrimahaan Faah-faahintooda waxaannu kaga hadli doonna War-saxafadeed Maalinta Sabtida, 05/11/2016”.”.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here