Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qayb galay Furitaanka Kuwait Terminal ee Madaarka Berbera + SAWIRRO

0
1239

Berbera, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo Saaka diyaarad khaas ah ka raacay Madaarka Hargeysa ayaa soo gaadhay Magaalo xeebeedda Berbera ee Xarunta Saaxil. Madaxweynaha waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxda heer gobol ee Saaxil, Qaybaha Bulshada iyo Cutubyo Ciidanka ka tirsan.

BERKJ

Socdaalka Madaxweynaha ayaa la xidhiidha xadhig ka jarista Mashaariic uu ugu muhiimsan yahay Terminalka Madaarka Berbera oo la dhamaystiray kadib dib u dhis balaadhan oo lagu sameeyay. Waxaa maalgaliyay Madaarka dawladda Kuwait oo lacag badan ku bixisay.

Madaxweynaha ayaa Indho Indhayn uu ku sameeyay Qaybaha Madaarka kadib waxa uu ka qayb galay Munaasibad loo qabtay Xadhig ka jarista Kuwait Terminal ee Madaarka Caalamiga ah ee Berbera(Kuwait Terminal Of Berbera International Airport) oo si rasmi ah u shaqayn doona wixii hadda ka dambeeya.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in laga bilaabo hadda Madaarka Berbera oo ahaa mid Militari uu isku bedelayo Garoon Shacabku isticmaalo “Intan maanta aynu furayno waxaa lagu qiimeeyay Afar Milyan, afar boqol iyo Sideed iyo sodon, waxaana shaqadaasi lagu qabtay Teminalkan oo ka kooban laba kun iyo shan boqol(2500M2), oo iskugu jira qayb laga soo dego iyo qayb laga dhoofo, oo leh Xafiisyadii oo la qalabeeyay, oo leh Musqulihii, oo leh Masaajidadii oo leh wax kasta oo Terminal Caalami ahi leeyahay.

BER67

Lacagtani kuma bixin oo kaliya Terminal-ka ee waxa kale oo ay ku baxday 11KM oo ah Xayn daab Garoonka lagu soo xidhay. Ujeedada Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ka leedahay Garoonkani waxa weeye inuu ka baxo Madaar Militari oo maanta laga bilaabo uu noqdo Madaar Rayid oo si buuxda Shacabku u isticmaalaan” ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.

Wasiirku waxa uu mahad u celiyay dawladda Kuwait oo bixisay 15 Milyan Oo Dollar oo madaarada dalka wax lagaga qabtay “Gobtu waxa wanaagsan ee loo qabto way ka abaal guddaa, Dawladda Kuwait waxay dalkan ka hir galisay Mashaariic aanay Umaddaha Carbeed ee kale ka hirgalin, waxaanay ina siisay 15 Milyan Oo Dollar oo Madaaradeena lagu dhisayo”

BERYH

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo hadal ka jeediyay Munaasibadda Xadhig ka jarista Terminalka ayaa u mahadceliyay dawladda Kuwait ee maalgalisay dhismaha “Terminal-kani aad iyo aad buu Muhiim inoogu yahay waana mid qiimo weyn leh sidaynu u aragno, waa mid Caalami ah oo macno weyn inoogu fadhiya, waa mid wax weyn Insha Allah ku soo kordhinaya Xarakaadka iyo dhaqdhaqaaqa dalkeena ka soconaya, waana mid aynu ku faanayno” ayuu yidhi Madaxweynuhu

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here