Maayarka Caasimadda Hargeysa oo soo kormeeray wadooyinka ay caasimadda ka wadaan iyo Dardaarinkii uu dadweynaha usoo jeediyey

0
1082

Hargeysa, (HargeisaPress) — Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa maanta kormeeray dhawr waddoo oo caasimdada ka socda, oo ay ku jirto waddo dheer oo isku xidha dhawr degmo oo ka tirsan caasimadda, isla markaana ka soo baxda wadadda jeelka weyn hor kuna dhamaatay xabaalaha Naaso hablood ee bariga magaaladda.

Wadadan ayaa isku xidhi doona degmooyinka 26 june, Gacan libaax iyo Macalin Haaruun, waxaanay ku sii xidhmi doonta wadada weyn ee boqol iyo kontonka ee la doonayo inay magaaladda ku wareegto.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Xildhibaan Axmed Daahir oo ah xogyaha guddida dhulka, ayaa sheegay in wadadani ka mid tahay waxqabadka mudada gaaban ku qabteen golaha deegaanka caasimadda, isla markaana wadadani isku xidhi doonto degmooyin badan, taas oo gabi ahaanba dawladda hoose kharashkeedda bixinayso.

Gudoomiyaha guddida hawlaha guud iyo arrimaha dhulka xildhibaan Maxamed Warsame Caalam (Tima-cadde), ayaa isna shacabka xaafadan ugu baaqay inay ka qaybqaataan dhismaha wadadan oo muhiim u ah xaafadahooga, waxaanu yidhi “waa waddo xero jadka soo daba marta ee Daami tagta una sii gudbisa xabaalah Naaso hablood, dhexda way ku kala baydhayaan oo wadooyin kale kaga dhacaysa, wadadan waxa dhismaheeda leh dawladda hoose, wax ka qaybgal ah oo lacag ah oo ay xaafadani ku darsatay ma jirto, xaafadaha kale wadooyinka waxbay ku darsadaan, haddii laga tagi waayo biriishkan yar ayey sameeyeen, guddidii birisihkaasi samaysay waanu u mahad celinaya, wadani  jihooyinka Beri iyo galbeed ayey kala baxaysa wayna yar yihiin wadooyinka dhinaca u socda”

Maayar ku xigeenka Caasimadda Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cago weyne) ayaa isna shacabka ka codsaday inay cashuurta iska bixiyaan si wadooyin u helaan iyo adeeg waxqabad oo muuqda, waxaanu yidhi “wadadan waad arkaysaa iyo wadooyinka kale ee caasimadda ka socda, waxaan ka marag kacayna in aanu caasimada gaadhsiino caasimadaha kale ee aduunka laakiin waxa la idinka sugayaa inaad cashuurta iska bixisaan si wax la idinkugu qabto.

Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Solteko ayaa ka warbixiyey wadadan iyo mashaariicda sadexdan bilood ee u horeeya ku tallo jiraan inay qabtaan iyo kuwo sanadkan qabanayaan, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “waxaynu maanta joognaa Ceelkii Daami, waxaanay wadadani asalkeedda ka soo bilaabantay jeelka weyn ee Hargeysa  ka soo gudubta, xero jaadka soo daba marta, waxa kaliya oo dhisnaa inta u dhexeysa jeelka weyn ilaa Geerashka Aw Cali, waxaana ka soo bilaabayna wadada geerashka Aw Cali  ilaa Xabaalaha naaso hablood ila wadada boqol iyo konton, waxa isu xidhaysa degmadda gacan libaax iyo degmadda macalin haaruun, waxa dhexda kaga xidhmaysa waddo kale oo saddex degmo isku soo marta Koodbuur, juun iyo gacan libaax halkaasna ka soo galaysa degamdda Axmed Macalin Haaruun, wadadana waxay kabaysa oo way ku xidhmaysa wadooyin kale oo aanu waddno,  waana qayb ka mid ah mashaariicdii saddexda bilood ee u horeeya aanu ugu tallogalno, wadadan qaybta kowaad imika dhamaystirayaan dadweynaha waxaan leeyahay laba siyaabood ha looga qaybqaato in cashuurtii la bixiyo iyo in dhismaha wadooyinka wax ku darsadaan, qofku wuxuu jecel yahay inuu waddo laami ah hor marto si gurigiis aiyo meheradiisu qiimo u yeelato”.

Maayarka oo tilmaamaya wadooyinka kale ee ay wadaan waxa uu yidhi “Wadooyinka sadexdan bilood ee u horeeya dhamaanaya waxa ka mid ah wadada Siiney, wadada sacadadiin, wadada sayladad tagta, intaasba sadexdan bilood ayaa laga gaadhsinaya, mashaariicda sanadkan ee horumarinta waxa kow ka ah wadda madaarka ka timaadda oo aynu wadada madaxtooyad hor marta oo kale ka dhigayno, wadadda labaad oo laba haad ka dhigi doono iyo qalabkii wadooyinka oo dawladda hoose soo iibsan doonto, sidaa darteed dadweynaha waxaas oo mashaariic ah ayey gacanta ku haysa dawladda  hoose waa inaad ka qaybqaadataan, haddii aydan cashuurta bixin wax la qaban kara ma jirto”.

Maxamed Cali oo ka mid ahaa odayaasha magaaladda ee qurbaha  ayaa amanay golaha deegaanka ee uu hogaaminayo Maayarka Caasimadda waxqabadka muuqda ee ay qabteen mudaddii ay joogeen, waxaanu qurba joogta kula taliyey inay ka qaybqaataan horumarinta caasimadoodda.

“suurogal maaha in culayska magaaladda lagu eego golaha deegaanak iyo maayarka caasimadda oo qudha ee waxa loo baahan yahay in qolo kasta deegaankoodda horumarinayaa kana qaybqaata, waxaan doonayaa in aynu isku tagno oo aynu sanduuq furno oo aynu ku ridno wixii caasimadda lagu qurxinayo, waxaana maanta markhaati ka noqday gudidan fulinta culayska saaraan oo aad la soo xidhiidhaan maayarka iyo golaha deegaanka oo aad ku xidhnaataan oo wadooyinka dhistaan waliba magaciina ku qortaan magacyadiina sidaad jeclaydeen”ayey yidhi Maxamed Cali.

Afhayeenka guddida hourmarinta degmaddan Ibraahim Yuusuf Dhoole yare ayaa isna golaha deegaanka iyo maaayarka caasimadda uga mahad naqay wadadan cusub ee ay xaafadoodda ka hirgalinayaan.“somaalida waxaa la yidhaa wax u qabo ha ku qiraan, waxay xaafadani qiraysa in wax weyn loo qabtay,anigu waxaan ahay guddida dhaqdhaqaaqa horumarinta ee degmooyinka macalin haarun iyo Gacan libaax, waxaan maanta idin soo jeedinaya dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa wadooyinka tani u horeyso iyo kuwo la mid ah inay ka qaybqaataan, waxa la yidhi wax qabso wax ha lagula qabtee, hadii aad wax qabsato adiga waxba lagula qabanaya, waa inaynu isku tashano oo maalkeena iyo muruqeenna isku darno oo wax ku darsanno wadooyinka, waxaan leeyahay gancsatada waa inay ku darsadaan wadooyinka caasimadda laga waddo”

Sidoo kale Maayarku waxa uu soo kormeeray wadooyinka ay caasimadda ka wadaan sida wadada Siiney, wadada Sacadadiin ag marta iyo waddadda Sayladda ka timaada kuwaas oo dawladda hoose ka waddo caasimadda Hargeysa.

Dhinaca kale,  Maayarka Caasimadda Hargeysa ayaa  sheegay in degmada 26 june dhamaystirtay numbareynta guryaha iyo meheradaha ku yaalla degmadaasi, isla markaana hay’adaha xaga GIS-ka caawiyey u mahad naqay.

Maayarka ayaa sheegay in numbaradan lagu dhajiyey guryaha iyo degmo kasta ogaato inta guryo ka dhisan iyo inta banaan ay muhiim u tahay in si dhibyar guri kasta loo ogaado inuu cashuurtii bixiyey iyo in kale.

Sidoo kale, gudoomiyaha degmada 26 june aya sheegay in dhamaan guryaha iyo goobaha banaan iyo inta danta guud eek u yaala degmadda June ay soo gabogabeeyeen, isla markaana uga mahad naqay shaqaalaha iyo dadkii kale ka qaybqaatay, isagoo tilmaamay in hada laga bilaabo si dhibyar loo ogaan karo dadka cashuurtii bixiyey iyo inta aan bixin.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here