Daawo Muuqaal: Xukuumada Somaliland oo Xisbiyada Qaranka kala Tashatay Wadahadalada Somaliya

0
830
Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta ka warbixiyay Kulan ay ergada Somaliland u matalaysa Wada hadalada Somalia  la yeesheen Sadexda Xisbi qaran.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo Kulankaas Kadib Warbaahinta la hadlay ayaa Sheegay in Ergada Somaliland u metelaysa wada hadalku ay Sadexda Xisbi  ka dhagaysteen Talooyin ku aadan sii ambo qaadista Wada hadalada inoo dhexeeya inaga iyo Somalia .
Mudane Maxamed Biixi Yoonis Waxa uu Sheegay in Xukuumada Somaliland uu Xilkeedu yahay ka midho dhalinta wada hadalka S.land iyo Somalia isagoo intaas ku daray in Mid ka Mid ah Xisbiyada qaran uu u soo jeediyay in la hakiyo wada hadalka maadamaa ay doorashooyin fooda inagu soo hayaan waxaanu wasiirku ku dooday in Wada hadalka iyo doorashooyinku ay kala duwan yihiin, mas’uuliyad walbana ay cid gaar ahi u xilsaaran tahay.
Daawo

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY