MADAXWEYNE MUUSE BIIXI CABDI XUKUMAD NOOCEEYA AYUU SOO DHISAY !!??

0
1377
Mawliid Axmed

(Biyo fadhiya, Biyo socdaa dhaqaajiya )Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi maalintii xil wareejinta waxa uu ka jeediyay qudbad qiimo badan oo aan loo soo qorin oo kalsoon ay ka muuqato himiladiisii kaga midho dhalinayo,

Waxa kale oo sheegay in xukumad kooban soo dhisayo oo kharashkii wasaaradaha faraha badan Ku bixi jiray waxa wax lagaga qaban doona kaabayasha shacabka oo dib loogu calin.

Mudane Biixi waxa uu soo dhisay xukumad kooban oo ka Tiro yar labadii mwayne ee ka horeeyay xukumadahodii ka wasiiro iyo wasaarado yar,

Inta kadib, mudane Biixi waxa uu soo dhisay xukumad u badan dhalinyarada jaamacadaha dalka wax Ku soo bartay oo xilal hore oo wasiir soo qaban,

Marka dalka isbedel dhaqan dhaqaale laga rabo cidi kaliya ee wax ka bedeli kartaa dunida waa xooga dhalinyarada oo dhiig cusub iyo maskax cusub dalka galiya,

Waana sobobta, muuse biixi cabdi dhalinyaradan Ku soo doortay in isbedel dhaqan dhaqaale Ku sameeyaan dalka iyo dadka oo aad loogu hanwayn yahay in ay Ku guulaysdan himiladaa lagu soo door biday, soomaalidaa tidhaa, ( Biyo fadhiya Biyo socdaa dhaqaajiya ) sobobta uga wayn ee loo doortay dhalinyaradu waa in dalka iyo dadka fadhiid ah ay dhaqaajiyaan oo dhiig cusub galiyaan.

Inta ka sakaw, shacbiga sland waxad dareemaysaa in ay tebayaan siyaasiyiintii intay sland jirtay hor joogay oo magacyadoodu aad u barteen iyo in xukumad kasda oo la soo dhiso ay Ku jiraan oo isbedelka siyaasadeed ee mudane biixi Ku kacay way Ku adag tahay siday u fahmayaan, waa,ayo maskaxdooda iyo indhahoda ragii waligood hortaagnaa ayaa saamayn Ku yeeshay, lk shacbiga waxan u sheegayaa kuwa aad tebaysaan horemar balaadhan ma keeni karaan ee dhalinyaradan cusub ee dhiiga cusub maskaxda cusub wadata ayaa horemar keeni Kara ee taageera oo isdhinac taaga siyaasada cusub mudane biixi jeexay oo aan filayo in lagu gaadhi doono horemar balaadhan oo dadka iyo dalkaba u soo hoyda Laguna guulaysan doono himilada madax banaanida ee sland hiigsanayso.

sidaa darateed, Mwayne MBC waxan Kula talinayaa maadaama xukumada u badiyay dhalinyaro waxa looga baahan yahay in ragii waawaynaa ee siyaasada Ku soo jiray ee ololaha Kula jiray ee hada xilal u dhiibin in uu gacanta Ku hayo inta dhalinyaradu xukumada lagu tijaabiyay ay ka midho dhalinayaan ama qaar Ku fashilmayaan waa in siyaasiyiintii xisbiga iyo kuwii ololaha xisbiga Kula jiray ee kursiga ku saaray iyo dhalinyarada labadaba gacanta Ku haysaa oo isku wadi karta.

Intaa waxa ee dheer, M/wayne MBC madaxtooyadu waa xabsiga mwaynaha lagu xidho oo indhaha iyo dhegaha laga xidho, kooxo kursiga la saaxiiba ayaa wax Ku arki doona, waxna Ku maqli doona oo indhaha iyo dhegaha ka xidhan doona oo war beena Ku keeni doona shacbiga lagaga fogaynayo ee iska jir nimankaa oo dhegahaga iyo dhaayahagu ha furnadaan hana Ku go,aan qaadan warka koox iyo kooxo Ku keenaan ee maadaama dalka iyo dadka taqaan meel kasda oo wax ka jiraan la xidhiidh marlay dadka Ku nool ayad aqoon u leedahay oo xaqiiqda ka helaysaa.

Mwaynihii ka horeeyay waxa lagu guulaysday in dhegaha iyo dhaayaha laga xidho oo wax loo arko waxna loo maqlo wax kasda oo laga dhaadhicinayo ama laga sexeexayo haduu xataa diido waxa iska daba Mari jiray dhawr iyo sodan kooxdan ka koobnaa oo kaliya waxna u maqla waxna u arka ayaa waxa uu diido odhan jiray Malaha hada waad asaasaqday ee arintu sidaa laguu wada sheegay ayay sax Ku tahay ee mwayne aqbal, aakhirka marka dhawr iyo sodan nin oo isku af Ku wada hadlaya ayuu mwaynihii hore aqbali jiray, isagoo aaminsan malaha adigaa khaldan maadaama dhawr iyo sodankani nin ay isku mid yihiin, sida igu maqaalo ah,

Kooxdii mwaynihii hore awoodiisa adeegsatay ninkasda oo xil haya maxad qabatay lama odhan jirin ? Ee maxad haysaa ayaa lagu odhan jiray ?  oo sidii shirkad shaqsi leeyahay ayaa loola xisaabtamayay galabtii..

Isku soo wada duuboo, m/wayne ilaahay xilka ha kugu asturo hadad daacad tahay cidi isma ka hortaagi karto oo cid walba oo hadasha waxa qabanaya waxad umada u qabato oo aad kaga guulaysanaysaa oo hadalkodu wax ka soo qaad yeelan maayo,

Hadadse raali galin gaar gaara bilawdo gaadhi Kari maysid himilada fog ee aad hiigsanayso.

Mwayne adiga iyo shacbiga ayan cidi idiin dhaxayn idiin Kala turjinta oo idin Kala fogayn karta.

Mwayne indhahaga iyo dhegahagu ha furnadaan xaqiiqda dadka iyo dalka, hana rumaysan taageerada gacanta lagu rimiyo oo Tv,yada lagaga maaweeliyo,

Dhaliisha hadiidin haday jirto waa kuu Dawo in aad wax ka qabato, hadayna jirin kuba qaban mayso oo wax ka soo qaad malaha,

Amaanta badan ninka raga looga wanasgsan ninka amaanta kugu badiyaa waa Ku seexiyay oo wax bu ka rabaa, lk ninka Ku dhaliilay wuu Ku toosinayaa oo waa nin lagu seexdaw ha seexan.

Gabogabo, mwaynaha cusub ee qaranka mudane muuse biixi cabdi halala shaqeeyo oo waqti uu wax Ku qabto hala siiyo haday sarif bararka tahay haday sixir bararka tahay haday wax barasho bararka tahay haday nolol bararka tahay ilaahay ha Ku ilhaamo kii wax ka qabta dhamaan qaybaha nolasha khuseeya,

Xukumada uu soo dhisay waa mid isbedel balaadhan keeni karta oo dhalinyaro dalka joogtay u badan.

 

ALAH MAHADLEH.

 Mawliid Axmed Jibriil

Email: xaqsheeg@hormail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here