Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Tacsi U Diray Eng. Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar Oo Ku Geeriyooday Itoobiya

0
491

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha ayaa tacsi u diray ALLE ha u naxariistee marxuum Eng. Cabdilaahi Cabdisalaan Sheekh Cali Jawhar,  oo maanta  ku geeriyooday dalka Itoobiya.

C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan ka baxay qaranka Somaliland door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii dalka. Sida lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo caawa soo saaray madaxweyne ku-xigeenku.

Gaar ahaan dhinaca wadooyinka oo uu marxuumku kaalin lama ilaawaana ku lahaa badiba biriishyada dalka oo uu seeska u dhigay iyo bilawgii wadada ceerigaabo oo uu gacanta ku hayey Engineerku.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa sidoo kale geeridda marxuumka ka tacsiyadeeyay qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay, waxaanu ALLE  uga  barayay marxuumka in naxariistii janno ka waraaabiyo.

Dhambaalkaasi tacsida ahna waxa uu u dhignaa sidan:

“Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Eng. Cabdilaahi Cabdisalaan Sheekh Cali Jawhar,  oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 08/08/2019, dalka Itoobiya.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan ka baxay qaranka Somaliland door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii dalka.

Gaar ahaan dhinaca wadooyinka oo uu marxuumku kaalin lama ilaawaana ku lahaa badiba biriishyada dalka oo uu seeska u dhigay iyo bilawgii wadada ceerigaabo oo uu gacanta ku hayey Engineerku.

Waxaanu ku simaha Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo”.

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here