Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey Arday Ka Qalin Jabisay Jaamacadda Hargeysa + SAWIRRO

0
865

Hargeysa, (HargeisaPress) —  Arday dhan 930 ayaa maanta ka qalin jabisay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa, kuwaasi oo dhammaystay waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadda.

Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, Wasiiro, Xildhibaanno iyo hogaanka xisbiyada qaranka ayaa munaasibadda qalin jabinta kala qayb galay Ardayda maanta qalinjabisay.

DSC055160

Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee jaamacadda Hargeysa Mahdi Cismaan Buuri, ayaa sheegay in jaamacadda Hargeysa sanad ba sanadka ka dambeeya ku talaabsanayso horumar, isagoo sheegay inay tayo ahaan iyo dhinaca ujeedadaba ka duwan tahay jaamacadaha dalka ka jira.

jam ha

Jaamacadda Hargeysa maxay kaga duwan tahay jaamacadaha kale? Waxa weeye Boodh ay leedahay Waddooyinka kamaynaan arag, xayaysiin ay leedahay Tv-yada kamaynaan arag, haddana dadku way ku soo hoobanayaan. Sababtu waxa weeye, Jaamacadda Hargeysa maaha mid ganacsi loo furtay ee waa mid loo furay danaha dadka reer Somaliland, waxayna qaabishaa ardayda ka timaada gobolada dhammaan. Waxay ardayda siisaa qiimaha ugu jaban ee arday wax ku baran karo, Lacagta laga qaado ardayda jaamacadda Hargeysa maaha mid jeeb gaar ah ku dhacda ee waa mid iyaga dib loogu celiyo. Macallimiinta wax ka dhigtaa waa kuwo tayo leh oo xul ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Jaamacadda Hargeysa oo munaasibadda ka hadlayay

 

jam  h

Prof. Faarax Cilmi Geedoole, wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland, ayaa isna halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay ardayda qalin jabisay iyo macalimiinta wax soo baray waxaanu sheegay in sanad walba ay sii kordhayso tirada wax baranaysa, islamarkaana ardaydani dedaal badan muujiyeen “ Maadaama aynu waxbarashadii xoogga saarnay oo dalkeena intaas oo jaamacadood ka furan yihiin waxaanu jaamacadaha kala shaqaynaynaa sidii arday tayo leh loo soo saari lahaa,” ayuu yidhi Wasiirku.

jam har

Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Waxaan ku farxayaa qof kasta oo reer Somaliland ah oo joogay 1991 markii Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay halkaynu maraynay iyo halka maanta aynu marayno. Waynu is canaananaynaa uune waxaynu maraynaa meel Illaahay loogu mahadnaqo. Waxaynu haysano dad badan oo Islaam ah iyo walaalaheena Somalia ma haystaane waxa inaga dhiman uun yaan la eegine waxaynu qabanayna ha la eego,” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenka oo hambalyeeyay ardayda qalin jabisay.jam har 2

 

 

Guddoomiyaha maxakamadda sare, xubno ka mid ah hogaanka xisbiyada, duqa Hargeysa iyo masuuliyiin kale oo munaasibadda ka hadlay ayaa ardayda kula dardaarmay inay wadaan dedaalka waxbarasho, iyagoo uga digay inay dalkooda ka tahriibaan.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here