Madaxweynaha Turkiga Oo Shaaciyay Duulaan Uu Ka Fulinayo Gudaha Dalka Suuriya

0
649

ANKARA,(HargeisaPress) —Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan, ayaa shaaciyay  in dalkiisa uu qaadi doono hawlgal milateri oo ka dhan ah xooggaga Kurdiyiinta uu Maraykanka taageero ee ku sugan waqooyiga Suuriya.

Waxa uu sheegay in hawlgalka ay ku beegsan doonaan deegaannada ay ka taliso jabhadda YPG ee bariga webiga Furaat.

Turkiga ayaa marar hore duulaan xooggaan ku beegsaday xooggaga YPG ee ku sugan galbeedka webigaasi.

Xooggaga Kurdiyiinta ah ee YPG ayaa ka samaystay bariga webiga Furaat ee waqooyiga Suuriya dhul maamulkiisa ay u madax bannaan yihiin.

Dowrka muhiimka ah ee ay ka qaateen dagaalkii looga adkaaday ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ayaa u sahlay dagaalyahannada YPG inay kasoo tallaabaan webiga ayna la wareegaan dhul ka tirsan Suuriya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here