Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Shirka Caalamiga Ee Xuquuqda Aadamaha

0
472

Hargaysa (HP): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) kaga qayb-galay shirka caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha.

Shirkaasi oo ay soo qaban-qaabiyeen guddida caalamiga ah ee xuquuqal-iinsaanka waxaa ka  oo qayb-galay hoggaamiyeyaal ka socday wadamo caalamka ah.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa si weyn u sharaxay heerka xuquuqul-iinsaanka ee Somaliland oo uu tilmaamay inay ka mid tahay meelaha Afrika ugu horeeya dhanka dhawrista xuquuqda qofka iyo sidda dastuurka Somaliland awooda ballaadhan u siiyay dhawirsta iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Waxaanu madaxweyne ku-xigeenku xusay in Jamhuuriyadda Somaliland  ay leedahay guddi madax-banaan oo u xil-saaran illaalinta xuquuqda aadamaha.

Guddidaas oo hawshooda u guta si madax-banaan isla markaana aan wax car-qalad ah kala kulmin haayadaha kala duwan ee dawladda, ayuu yidhi C/raxmaan Saylici oo shirkaasi khudbad dheer ka jeediyay.

Geesta kale waxaa shirkaasi ka soo qayb galay madaxweyneyaal, raysal wasaareyaal hore iyo kuwo hadda xilal haya, wasiirro, siyaasiyiin caan ah iyo madax tiro badan oo ka socday dawladaha dunida.

Iyadoo shirkaasi uu daadihinayay Danjire Dr. Muhammad Shahid Amin Khan, guddoomiyaha guud ee guddiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha (IGO) oo fadhigiisu yahay dalka Pakistan.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here