Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Digniin U Diray Hawl Wadeena Garsoorka

0
536

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali,  ayaa uga digay hawl-wadeenada garsoorka dalka  in ay ku milmaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee doorashooyinka dalka.

War ka soo baxay maxkamada sare Somaliland ayaa lagu sheegay in ay ka reebayaan sharciga iyo xeerka nidaamka garsoorku tartanka dhaq-dhaqaaqa ololaha doorashada ee deegaanka, baarlamaanka iyo madaxtooyada.

Waxaana la la socodsiiyay in cidda garsoorka ka mid ah, ee danaynaysa in ay ka qayb noqoto goleyaasha deegaanka iyo wakiiladda ay shaqada dawladda iska casisho 90 maalmood ka hor muddada doorashada.

Warkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-

“Wareegto uu maanta oo ay taariikhdu tahay 25/02/2021 soo saaray guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa uga digay shaqaalaha maxkamadda sare in ay ka qayb qaataan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee doorashooyinka dalka.

Iyadoo ay ka reebayaan sharciga iyo xeerka nidaamka garsoorku tartanka dhaq-dhaqaaqa ololaha doorashada ee deegaanka, baarlamaanka iyo madaxtooyada.

16-kii bishan ayaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalku wareegto ku socodsiisay, dhammaan guddoomiyayaasha maxkamadaha Racfaanada iyo ku-xigeenada xeer-ilaaliyaha guud ee gobolada dalka si loogu wargaliyo reebanaanta ka qayb-qaadashada dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee doorashooyinka”.

“Waxaana lala socodsiiyay in cidda garsoorka ka mid ah, ee danaynaysa in ay ka qayb noqoto goleyaasha deegaanka iyo wakiiladda ay shaqada dawladda iska casisho 90 maalmood ka hor muddada doorashada.

Halka xubinta u hoggaansami wayda amarkaasina laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan” ayaa lagu yidhi warkaasi ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha maxkadda sare  ee Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY