Wefti Ka Socda Midawga Yurub Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland

0
441

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland ayaa maanta kulan la yeeshay wefti ka socda dawladaha Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka iyo dimoqraadiyadda.

Weftigan ka socday dawladaha Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka iyo dimoqraadiyadda oo booqasho ku jooga magaaladda Hargaysa ayaa wasiirka waxaa kulankaasi ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi.

Waxaana kulankaasi ay labadda dhinac kaga wadahadleen sidii ay dawladahaasi qayb uga qaadan lahaayeen hawlaha doorashooyinka Somaliland  iyo barnaamijyo ay waddo  wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland.

Iyadoo kulankaasi lagu lafo-guray horumarinta shuruucda doorashooyinka, dimoqraadiyadda, fahamka waddaniyadda, iyo muhiimadda waddaniyadda iyo doorashadu ay leedahay, arrimahaasi oo ay  si wanaagsan oo mug leh uga wada hadaleen labadda dhinac.

Sida uu sheegay wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo kulankaasi kadib warbaahinta uga warbixiyay qodobadii ay weftigaasi ka wadahadleen.

Weftigaasi ayaa ka kala socday dalalka ku bahoobay ururka midawga Yurub, iyo dawladda Ingiriiska, oo iyadu dhawaan ka baxday ururkaasi, balse ka mida dalalka reer Yurub.

Waxay kala ahaayeen dawladaha Norway, Sweden, Denmark, Germany, Finland, iyo UK, oo aan imika ku jirin midawga Yurub.

Geesta kale, wasiirka arrimaha dastuurka Somaliland waxa uu sheegay weftigan ka socday dawladaha reer Yurub ay  isla gorfeeyeen, isla markaana ay wasiirka wax badan na ay naga waydiiyeen barnaamij la yidhaahdo Xil-Kas.

Barnaamijkaasi  oo muujinaya shuruucda, dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka, oo ay wasaaradda xidhiidhka goleyaashu ugu tallo gashay in muwaadiniintu ay aad ugu fahmaan doorashooyinka iyo dimoqraadiyadda.

Waxaanu wasiirku tilmaamay in barnaamijkaasi ay ugu tallo galeen in lagu  dhiiri geliyo bulsho weynta Somaliland ee  ku jirta doorashooyinka goleyaasha Wakiiladda iyo deegaanka, in ay aad iyo aad ula socdaan.

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here